Madaxweyne Biixi Maanta Miyuu La Xisaabtamayaa Golihiisa Wasiirada Mise Talo Kale Ayuu Ugu Yeedhay?

Hargaysa (Salaanmedia.com)- Madaxweynaha Somaliland ayaa maanta shir isugu yeedhay golihiisa wasiirada, waxaanu faray inay madaxtooyada isugu yimaadaan 8:00 subaxnimo.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan yeedhmada golaha wasiirada, laakiin dadka qaar ayaa saadaalinaya in Madaxweyne Biixi oo uu dhammaanayo sannadkii labaad ee muddo xilleedkiisu ay suurtogal tahay inuu la xisaabtamo golihiisa wasiirada oo uu wasiir kasta weydiiyo wax qabadkiisa labadaas sannadood, halka ay dad kalena tilmaamayaan in Madaxweynuhu wasiirada ugu yeedhay aaraahooda ku waajahan xaaladaha uu dalku marayo iyo amuuro kale.

Si kastaba ha ahaate, kulankan ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay dhammaad yihiin labadii sannadood ee u horeeyay muddo xilleedka Madaxweyne Biixi ee shanta sannadood ah, waxaana Madaxweyne Biixi iyo golihiisa wasiirada horyaala inay umadda u soo bandhigaan mashaariicda horumarineed ee ay qabteen labadaas sannadood