“NIMANKA KURAASTA IMIKA BAARLAMAANKA 15 SANADOOD KU FADHIYEY IMIKANA AAN IYAGU SHARCI AHAYN CIDDA WAXAY SOO SAARTO SHARCI UHAYSATA AYAA KA SII WAALAN”AQOONYAHAN JAMAAL CALI XUSEEN

Hargaysa (Salaanmedia.com)- Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo ka hadlay xaalada dalku marayo iyo qaabkii shalay loo ansixiyay xubnaha Gudida doorashooyinka Qaranka Somaliland iyo sida doorasho xor iyo xaali aanay xiligan dalka uga dhici karin ayaa waxa uu Golaha Wakiilada Somaliland ku tilmaamay rag kuraasta sharcidaro laba jeer mudo dhaaftay ku fadhiya waxay ansixiyaanay aanay xalaal noqon karin maadama oo iyaguba anaay xalaal iyo sharci ku fadhiyin kuraasta sharci dajinta dalka.

Waxa Kaloo uu Aqoonayahan Jamaal Cal Xuseen sheegay inay wadamada Somaliland ka caawiya qabsoomida doorashooyinka iyo kharashka ku baxaya ee loo yaqaano(International Community)ay hore ucadeeyaan inaanay kharash ku bixinayn doorasho aanay kawada raali ahayn xisbiyada qaranka Somaliland,

Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen Waxa kaloo uu sheegay inaanay marnaba suurgal noqonayn inay qabsoonto doorasho aanu ka qeyb galin Xisbigii codadkii la bixiyay doorashadii November 13/ 2017kii qabsoontay helay 40% codadkii la bixiyay oo ah Xisbiga Waddani waxa kaluu aqonyahanku xusay inay ceel dheer kusii dhacday Dimuguraadiyadii awal beenta ahayd ee Somaliland sheegan jirtay maadama oo gole sharci daro ahi Gudi doorasho oo sharci noqonaya ansixinayaan iyaga oo aan sife hagaagsan oo sharciya loo marin.

Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo Faaladaad soo dhigay barta uu Mareegta Facebooka ku leeyahay ayaa udhignayd Sidan hoos ku qoran”

“Horta doorasho Baarlamaan laba sababoodba uma dhacayso. 1. Horta doorashadeena 75% kharashka ku baxa Waxaa bixiya beesha caalamka ( international community), kolkaa beesha caalamkuna way cadaysay in doorasho aan dhamaan laga raalli ahayni aanay lacag ku bixinaynin. 2. Hadduu qof ku doodo ka waran haddaynu inagu iska bixino. Umalayn maayo in aynu inagu doorasho iska bixin karno laakiin haddii ay dhacdaba Oo aynu iska bixino, umaleyn maayo in doorasho la qaban karo xisbigii aqbaliyadda 40% lahaa uu ka maqan yahay in cidi qabanayso haddii aan la sameyneynin Indho adkaan iyo in dadku is dilaan Oo gacanta iskula tagaan. Haddaba haddii aanay dhacaynin doorasho waxa qudha ee laga dhaxlayaa waa cimri dherer iyo dadka laysku soofeeyo, iyo dimuqraadiyaddii awalba beenta ahayd Oo soo oodantay iyo sharci daraddii awalba jirtay Oo sii xuub dilaacsatay. Nimanka kuraasta imika Baarlamaanka 15 sanadood ku fadhiyey imikana aan iyagu sharci ahayn cidda Waxay soo saarto sharci u haysata ayaa ka sii waalan. Ama saaxiga la keeni ama si kale ayeey ku danbeyn, kibirka waa la yaqaan Wuxuu ku danbeeye.”

Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen