Ganacsade Aamina Mooge oo Ku Guulaysatay Abaal Marinta Caalamiga ah ee Shakhsiga ugu Firfircoona Shaqo Abuurka iyo Ganacsiga Qaaradda Africa oo Abaal Marinta Ay Siiyeen (European CEO

 

Sharaf Ayey utahay umadda Somaliland iyo Umada Somaliyeedba ee Qaaradda Africa in Ay Ka Dhalatay Shakhsiyadda Amina Xirsi Mooge oo Qaaradda Africa Ay Ku Faanto Hormuudna u ah Haweenka Africa oo Maanta Ku Guulaysatay Abaal Marinta Caalamiga ah ee Shakhsiga ugu Firfircoona Shaqo Abuurka iyo Ganacsiga Qaaradda Africa oo Abaal Marinta Ay Siiyeen (European CEO Awards 2019) oo Shirkaddaheedda iyo Mashaariicdeeda Maalgashineed Bariga Africa Iftiin unoqday.

Amina Xirsi Mooge Waa Haweenaydda ugu Maal Qabaysan Bariga Africa Markay Dhinaca Haweenka Noqoto isla Markaana Ah Shakhsiga Afraad ee ugu Maal Qabaysan Somalidda Geeska Africa Dhexdeeda Siday Sheegtay Munadamadda Caalamiga ah ee Forbes 2017-kii ee Sannad Walba Warbixi Kasoo Saara Maal Qabeenadda Dunidda iyo Shirkaddaha Adduunka.

Amina Xirsi Mooge Waa Mulkiilaha Shiirkadda Wayn ee (Horyaal Investment Holding Company) Waxay 50 Million oo Dollar $ Ku Maalgalisay Mall-ka ugu Wayn Dalka Uganda ee Kuyaala Caasimadda Kampala ee Layidhaahdo (Oasis Mall), Waa Mulkiilaha Dhismaayaasha Qasriga Madaxtooyadda Dalkaas Kasoo Horjeedda ee Kuyaala Nakasero ee Layidhaahdo (Laburnam Courts Apartments) Waxay Sidoo Kale Maalgalisay Qaarna Share Kuleedahay Shirkaddaha Nakumatt, Kingstone Namanve LCD,Rapo Company Ltd.

Waxay Kale oo Samaysay Shirkadda Sonkorta ee ugu Wayn Dalkaas ee (Atiak) Kasoo Soo Saara 50.000 oo Tan oo Sunkor ah Maalin Kasta,Kuna Fadhiya Bad Dhan 16,000 oo Acres, Waxaana Ka Shaqeeya 1500 oo Qof, Waana Soo Dajiyaha iyo uqaybiyaha ugu Way ee Sibidhka iyo Qalab Kale Dalka Uganda.

Amiina Xirsi Mooge Waxay Boqolaal Million Ku Maal Galisay Bariga Africa Waa Shakhsiyad Guul Nolosha Ka Gaadhay Kumanaan Qofna Shaqooyin Ka Heleen oo Noloshoodda Kaabtay Africana Guul usoo Hoyday Hambalyo.

Sawirka Hoose Waxa Kamidda Maray Dalkeedda Somaliland Soo Booqtay oo Hargeisa Lagu Soo Dhaweeyey.

Source Hassan Mohamed