Ingiriiska Oo Walaac Ka Muujiyay Xadhiga Aan Loo Meel Dayin ee Xukuumada Soomaaliland

Ergayga dawladda Ingiriiska u jooga Hargeysa danjire Stuart Brown, ayaa qoraal kooban oo uu geliyay barta uu ku leeyahay twitterka wuxuu kaga hadlay maalinta xuquuqal insaanka ee 10 December oo shalay ku beegnayd.

Danjire Stuart, wuxuu sheegay inuu soo dhawaynayo horumarka laga sameeyay xeerka saxaafadda Somaliland, wuxuuse walaac ka muujiyay xadhiga sharci darada ah ee sii socda oo uu ku tilmaamay mid walaaciisa leh, “Qodobka 32aad ee Distoorka Somaliland wuxuu damaanad qaadayaa xorriyada banaanbaxa, rayi dhiibashada, saxaafadda iyo warbaahinta kaleba.” Sidaas ayuu ku qoray barta uu ku leeyahay twitterka, waxaanu intaas raaciyay  “Maalinta xuquuqda aadamaha, waan soo dhawaynayaa horumarka laga sameeyay xeerka saxaafadda si loo sii ilaaliyo xuquuqdan, laakiin xadhiga aan sababta lahayn ayaa weli ah ah walaac weyn.”

Diblomaasigani, wuxuu intaas ku daray in dawladda Ingiriisku Somaliland ka taageerto qodobo ay ka mid yihiin kor u qaadista isla xisaabtanka garsoorka, tababarka garsoorayaasha iyo xeer ilaaliyayaasha, dhismaha tayaynta saxafiyiinta iyo wanaajinta isfahamka Booliska iyo saxaafadda.

Geeska Afrika