Madaxweyne Biixi Reerka Garaxajis Waxa uu U Hayaa Uurxumo Aan Noloshiisa ka Hadheynin Waxaa Marag u ah Tii 1994kii Kheyriyada Hargeysa iyo Tan uu Maanta ku Dhaqmayo

Wuxuu ku bilaabay, Isagoo Cadheysan oo Wajigiisa ay Ka Muuqato Nacayb iyo Cadaawad aan yareyn, ayuu Makarafoonka ka Boobay Axmed Jaambiir Suldaan oo markaa hadalka U baxey kana hadlayay arin Cabdiraxmaan-tuur allaahu yarxam ku Sahabsan Waxaanay aheyd in Mudaharaad Salmi ah ay Qabtaan kooxdii Mujaahidiinta SNM ee Garabkii Siyaasada oo ay Cabdiraxmaan isku Mawqif ahaayeen Sida Axmed-jaambiir, Xasan Ciise Jaamac iyo Rag kale oo fara badan.

Madaxweynihii markaa Marxuum Cigaal Waxa uu diiday in Ragga Xukuumadiisu Mudaharaadkaa ka hadlaan islamarkaana, aanay ugu tagin odoyaashaa SNM ee ay Cabdiraxmaan Xulafada ahaayeen, laakiin Muuse Biixi oo markaa ahaa Wasiirka Arimaha Guduhu ma dhagaysan, Waxaas ee isaga oo uurkiisa Xajin la,a ayuu sidan u hadley.

“Cabdiraxmaan-tuur Wiilkii.Dagaalka kumuu dhiman Walaalkii kumuu dhaawacmin, ehelkiisu Waxba kumay noqon isagu umuu lugaynin umuu gaajoon,,umuu Dubjirin roobku cidlo kuma helin qodaxina uma mudin, Waxaa lagaa yaabaa in uu habeen usoo jeeday isagoo Coffee cabaya, Waxaan leeyahay.
‘Meydbaa idulyaalee
Miyaan Geedka Damalka ah
Dooyaysan Karayaa
anigoo Wax Dili Kara
Duco Qaadan Maayee
Dabci Qorigu ha ifaro’.

Waxaan Leeyahay Ninka Bari Cabdiraxmaan-tuur Madaarka Zuzuki kaga soo Qaadi Doonow Waa inoo Dagaal, isagoo Markaa ujeeday Illaahay Naxariistii janno haka Waraabiyee Marxuum Kabtan JEE oo kamid ahaa Saraakiishii SNM gaar ahaan Garabkii.taageersanaa, Madaxweynihii u horeeyay ee Gudoomiyaha SNM isagoo aha Halgankii lasoo gabagabeeyay.

Haddaba iyadoo Mudo Labaatan Sanadood iyo Dheeraad laga joogo Cuqdadaa iyo Cunfigaa oo Sabab u ahaa Dagaaladii Sokeeye, ee ay inagaga dhinteen Kumanaanka Qof Waxey dad badani Filayeen in Qof Kasta oo Sabab u ahaa Waxaa dhacay, sida(Madaxweynaheena),in ay ka istaaqfurulaystaan oo illaahay.ka baryaan in aanay ficiladaa dhacey wax lamid ah Mar Dambe galin, kaa horena illaahay ka cafiyo, Waxaa jirta oo aan Cidina safiri karin in Shacbigu Ka cafiyay oo ka Saamaxay Waxaa hore u dhacey, oo badhkood isaga u Codeeyeenba Haseyeeshee, aanu Wali isagu (Madaxweynaha), aanu halkii ka Beydhin ee uu Dariiqii ku Taagan Yahey.

Marka aad eegto hadaladiisii Ololaha Doorashada ee uu Reerkaa Garxajis Ku calaamadinayay Waxaanay Shaqo ku laheyn, oo Soomaaliweyn kaw ka tahey, oo ay kujrto Xaqiraada Halgankoodii hubaysnaa ee Cabdiqaadir-Koosaar, Mujaahid Lixle, Maxamed Cali, allaahu Yarxam, Harawaafi, Sumuni, InaMacalin Haaruun, Haabiil,Xuseen-dheere, iyo Rag fara badan oo aanan halkan kusoo koobi karin, May gayayn in Dadkoodii Maanta Xamar lagu Calaamadiyo, Marka aad eegto Ergadii uu Isagu badhkood Dirtey, ee Arintii Caare ee uu haddana Go,aanka cid kale ku Xidhey iyagana Ixtiraami Waayay, Markaad eegto Sida uu ugu jeesjeesayo Komishanka iyo Xubnaha uu Karbaashka u Wato oo ay ka dhadhamayso Reer Nacayb Sida uu u Koolkoolinayo, Ina-Riyo Raac oo Soomaaliweyn isagu ahaa Waxaas oo dhami Waa NaCayb Reerka Garaxjis uu u qabo Waa Talaabooyin uu Doonayo in uu Shacabka Somaliland ku kala Qeybiyo Laakiin.illaahay Ma Nicin Reerla Garxajis illaahaybaa U Maqan anagaa Markhaati u ah in ay ahaayeen Danabyadii iyo Geesiyaashii huriyay Halgankii SNM Illaahbaan idinku dhaariyee ma Ina Biixi ayaa mandheera Jeelkeeda Jabin.Lahaa Xaasha.

Waxaaba lagu Tiriyaa in uu Ka Faa,ideystay Geerida haldoorkii SNM Balse

Najiib Ismaaciil Maxamed
Somaliland Gabiley
Tell:0634466339