Ra’iisul Wasaare Is Casilaya Ka Dib Isu Soo Baxyo Ka Dhashay Weriye La Dilay

Ra’iisul wasaaraha Malta, Joseph Muscat, wuxuu telefishinka qaranka ee dalkaas ka sheegay in sannadka cusub uu xilka ka degayo, iyadoo ay jiraan khilaafaad ka dhashay dilka gabar weriye ahayd.

Wuxuu sheegay in uu xisbigiisa weydiisanayo in ay la yimaadaan qofkii isaga bedeli lahaa 12-ka January ee sannadka soo socda.

Dadka isu soo baxay waxay dalbadeen in ra’iisul wasaaraha uu si degdeg ah isu casilo, taas oo la xiriirtay sida loo baaray dilka Daphne Caruana Galizia.

Waxaa lagu dilay qarax gaari lagu xiray 2017-kii, xilli ay baareysay musuqmaasuq ka dhex jira ganacsatada iyo siyaasiyiinta dowladda Malta.

Nin ganacsade ah oo lagu eedeeyay in uu xiriir la leeyahay saraakiisha dowladda, ayaa sabtidii lagu oogay dacwad ah in uu lug ku lahaa dilka.

Ra’iisul wasaaraha oo sharaxayay sababta uu xilka uga degayo wuxuu sheegay in ay tahay arrin la xiriirto sida loo maamulay baaritaanka dilka: “Go’aannada qaar waa kuwo fiican, halka kuwa kalena wanaagga dartii loo gaaro.”

“Dhamman masuuliyadaha aniga i saaran culeyskooda lama barbardhigi karo xanuunka ay marayaan qoyska gabadha la dilay,” ayuu hadalka ku daray.

Mr Muscat wuxuu xilka hayay lix sano, wuxuuna ku guuleystay laba doorasho oo guulo waaweyn uu ka gaaray. Wuxuu wax ka badalay dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada. Malta waa dalka ugu yar ee ka mid ah Midowga Yurub.