Roobab Mahiigaan Ah Oo Ka Da’aya Deegaanada Puntland Iyo Daadad Xoogan Oo Ku Soo Rogmaday Gobolka Bari

Burco (Salaanmedia.com)- Qaar kamid ah gobolada Puntland waxaa 24-kii saac ee la soo dhaafay ka da’yey roobab mahiigaan ah oo sababay in degaano ka mid ah gobolka Bari uu kusoo rogmado daadad xooggan.

Roobabka ayaa u badan gobolka Bari gaar ahaa degaanada xeebaha, kuwaas oo ilaa iyo hadda roob xooggan ka da’ayo.

Daadad soo rogmaday gobolka Bari ayaa saddex gaari kula tagay Boosaaso, waxaana laga soo badbaadiyey dadkii saarnaa gaadiidkaas sidda uu sheegay maamulka gobolka Bari

Maamulka gobolka Bari ayaa hakiyey isu socodka gaadiidka magaalada Boosaaso iyo gobolada kale ee Puntland.

Degaanada ay duufaantu saameysay markii war ugu dambeysay waxaa kamid ahaa Degmada Eyl, Garacad, Dhanaane, Dhinowda iyo deegaano ku dhaw dhaw, si saf mar ah, waxaana ilaa hadda aan la haynin xaaladda deegaanadaas.

Xafiiska Wararka BoramaNews