RUUXII IS WAALABA WIIL WAABIYA HELA !

RUUXII IS WAALABA WIIL WAABIYA HELA !

Waxaa ka bilabmay Aduunka ama Dunida sadexaad kacdoon lagaga hor imanayo in la diido Dilka,Dulmiga,Dhaca,Baadilka,
Eexda,Musuq-maasuqa, is-dhaafinta iyo Ka hor imaatinka rabitaanka shacabka hadba Ummada wax wada lahaanshuhu ka dhaxeeyo.
Waxa raadkeedu sii qoyan yahay oo aynu makhraati ka nahay in Dawladihii aynu jaarka ahayn uu ka bilaabo kacdoon lagaga soo hor jeedo maamulada ka jiray qaar ka mid ah oo Bulshada degani ay ku kala aragti duwan tahay. Hasayeshee kacdoonkan bilaabmay wuxuu u yahay Ibo-fur oo ujeedadiisu tahay xaqdaro iyo Baadil ay kala tirsanayaan Shacabka wada degan oo aamisan in lagula kacay mudooyinkii u danbeeyey DIL, Eex ,Dhac, Xadhig iyo jidh-dilba.
Arintu si kasta ha ahatee waxa Biyo k’ama dhib caana in hadii Ummadi waxay ku heshiiso laga weeciyo dawgii loogu tala galay iyo dariiqii saxa ahaa waxa makhrati ma doon ah in ay dhacayso in uu imanayo kacdoon lagaga hor imanayo hadba waxaa jira ee aan u Socon sida saxa ah.

Waxa ayaan daro ah in Maamulkan Kulmiye (dulmiye) ee Aafada ku haya Jamhuriyada Somaliland ee Barakaysan isagaba uu wakhtigiisu u eg yahay gabaabsi marka loo eego xaaladaha ka jira ee ku gadaaman oo ah Dilka dhabarka layska Tooganayay, Boobka dooroshooyinka, Eexda ,Dhaca ,Boobka ,Qaraabo kiilka, Musuq-maasuqa, Xaraashka Hantida Dadka iyo Dalkaba, Xadhiga aan loo meel dayin iyo Nacaybka ku dhisan xumaan. Inagoo waliba ka marag kacayna sida Komishankii Qaranka laga yeelayo iyo sida Ju-juubka ah ee la rabo in loo meel mariyo sharci darada xadhka goosatay ee aan loo miidaan dayaynin.
Intaasi oo iswada huwan ayaa waxay 9kii sano ee u danbaysay ay ka hir galeen in la caadaysto oo Loo arko in wixii la doono laga samayn karo Somaliland iyadoo aan laga fikirin ficiladan la samaynayaa waxa laga dhaxli karo mustaqbalka dhaw iyo ka dheerba.

Waxa iyana wax lala yaabo ah in Siilanyo oo Hantidii uu ka dhacay Ummada Masakiinta ah uu ku raaxaysto UAE isagoo ah Aabihii musuqa ,Eexda iyo aasida qaranimada iyo wadajirkii loogu dhiibay Dadka iyo Dalkaba. Iyo weliba sida aanu u aamisan yahay isagu waa Siilaanyo’e in uu isu haysto ama Dadka qaar u haystaan in aanu wax xumaana gaysan ama sameeyayba.
Taas oo keentay si aan loo arag dhibtu geystay in uu shirqool iyo isu-hadoodil uu ku keeno Muuse oo ka sii liita si loo iloobo wixii uu isagu sameeyay oo ah qofkii u ahaa horseedka dhamaan xaqdarada iyo hagardaamada Somaliland dul hogonaysa.
Muusana wuxuu talo-wadaag dhaw la’ leeyahay Saleebaan gaal iyo Maxamed kaahin oo raba in ay dhamaystiraan dagaalkii 94 ee ay u arkayeen in uu ahaa qabyo dhamaystirkiisa. Muuse wuxuu waxan u samaynayaa waa dariiq jeexan oo uu raacayo oo ah Somaliland lakala leeyahay.

Sababahaas oo dhami waxay khatar soo socota ku yihiin Jiritanka Somaliland iyo wax wada lahaanshahba.
Waxa hadaba isweydiin leh oo Loo baahan yahay in ay Bulshada Somaliland ka fikirto sidii looga hor tagi lahaa in la soo afjaro Aafadan dul hoganaysa Jamhuuuriyada Somaliland ee ku dhisan Eexda, Musuqa,Caga-juglaynta ,Af-laagoodiynka lagu qoray bugaagta ee weliba lagu helayo darajada aan sii ridnayn iyo Is indo-tirka maamulka Kulmiye.
Sidaa darteed waa in la yidhaahdo wuu dhamaday wakhtigiinii ee u diyaar garooba maxkamad ama u diyaar garoobaa gacanta Bulshada Somaliland in ay idinku dhigaan.

Kacdoonada ku soo fool leh Somaliland oo ah mid xaq u Dirir ah oo Dulmi diida ayaa laga yabaa in uu ka bilaabmo Somaliland hadii layska indho saabo oo dhagahana laga furaysto xaaladaha wakhtigan xaadirka ah ka jira Somaliland.

Allah mahad leh .

Anis M Ismail