Somaliland Oo Gacanta Ku Soo Dhigtay Afar Markab Oo Laga Leeyahay Masar

Hargaysa (Salaanmedia.com)- Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta gacanta ku dhigtay Maraakiib ka kaluumaysanayey Biyaha Baddeeda.

Ciidamada Ilaalada Xeebaha ayaa Afar Markab oo sifo sharci darro ah uga Kaluumaysanayey Xeebaha galbeed ee Somaliland ayey gacanta ku soo dhigeen, sida uu xaqiijiyay mid kamid ah Saraakiisha ka tirsan ciidamada Somaliland.

Afartan Markab oo la sheegay in laga lahaa dalka Masar, ayaa waxa saarnaa Tobanaan shaqaale ah, kuwaasi oo iyagana ay gacanta ku dhigeen ciidamada ilaalada Xeebaha Somaliland ee kuwa fadhigoodu yahay gobolka Selel.

Xukuumada Somaliland ayaa dhowr jeer oo hore gacanta ku soo dhigtay Ajaanib sifo sharci darro ah uga howl-galayey gudaha deegaanadeeda, iyadoona hore u soo saartay digniino ku aadan Maraakiibta sifooyinka sharci darada ah uga kaluumaysta Xeebaheeda.