War Deg Deg Ah:-Masuul Iska Casishay Xilkii Ay Ka Haysay Xukuumada Muuse Biixi

Hargeysa(SM):-Wakiilkii somaliland ee wadanka Finland Marwo Saamiya Muuse ayaa goor dhawayd shaacisay inay iska casishay xilkii ay ka haysay xukuumada uu hogaaminayo muuse Biixi.

Image may contain: Samia Muse, standing, closeup and indoor

 

Marwo Saamiya Muuse ayaa qoraal ay soo saartay ku shaacisay is casilaadeeda iyada oo xustay inay iska casishay xilkii wakiilka somaliland ee wadanka Finland iyo gudoomiyihii jaaliyada somaliland ee wadankaasi.

Marwo Saamiya Muuse ayaa qoraal iscasilaada ah ee ay soo saartay waxa uu u dhignaa sidan:-

Aniga o ah Samia Muse Wakiilka Somaliland ee dalka Finland, laga bilaabo maanta o ay taariikhdu tahay 04.12.2019 Waxaan si rami ah iska casillay xilkii Wakiilnimada dalka Finland iyo Godomiyanimadi Ictiraaf raadinta ee dalka Finland.

 

Source Hadhwanaag