Hanti-dhawrka Qaranka iyo Hay’ada Shaqaalaha Oo Bilaabay Xaqiijinta Mashruucii Tayeynta Shaqaalaha ee Bangiga Adduunku Maalgelinayey

Hargeysa (SalaanMedia)- Saraakiil uu horkacay Ku xigeenka hantidhawrka Qaranka Somaliland Mudane Sacad Cabdi C/laahi Riraash ayaa Maanta waxaa ay kulankii ugu horeeyey la qaateen Madaxda haayada shaqaalaha dawlada gaar ahaa waaxda Mashruuca Bangiga Aduunka ee Tirakoobka iyo Tayeynta Shaqaalah Dawlada Somaliland.

Wajigii hore oo mashruucan oo dhamaaday uu Baanka Aduunku usoo Wakiisay Xafiiska hantidhawrka Qaranka Somaliland in ay Hubiyaan Xaqiijiyaana Nidaamkii iyo Qaabkii loo fuliyey loona maamulay mashruuca wajigiisii hore sanadkii ina soo dhaafay,

Waxaana Masuuliyiinta ka socoday Xafiiska hantidhawrka guud ee Qaranka Somaliland oo kaashanaya Saraakiisha Hay’ada Shaqaaluhu gorefeeyeen hab maamulka iyo Hubinta Mashruucaasi hore loo fuliyey,

Waxaana Mashruucan Ka Wada shaqeynaya xafiiska Xisaabaadka guud ee qaranka hay’ada Shaqaalaha Dawlada iyo Hantidhwarka Guud ee Qaranka Somaliland.

Iyadoo Dhamaan gobolada iyo Degmooyinka Dalka Somaliland ay Si wada jir usoo wada Kormeeri doonaan Saraakiisha Xafiiska hantidhawrka iyo Hay’ada Shaqaalaha Dawlada Somaliland.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan.

https://youtu.be/faPHDNsZ-Mo