Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Deg Deg:- Gudoomiyaha komiishanka Doorashooyinka somaliland cabdi Rashiid riya-raac oo beeniyay inuu is casilayo lacagana loo ururinayo

Deg Deg:- Gudoomiyaha komiishanka Doorashooyinka somaliland cabdi Rashiid riya-raac oo beeniyay inuu is casilayo lacagana loo ururinayo,dhawaan ayay ahayd markii uu madaxwayne biixi magacaabay komiishankan cusub waxaana ka dhashay muran iyo khilaaf ka dhex aloosmay axsaabta qarranka,muran iyo khilaaf badan ka dib waxa dhex gal sameeyay gudi ganacsato iyo culimo iskugu jirta,dhex dhaxaadin iyo talo soo jeedin kadib waxa labada xisbi mucaarid si buuxda uga soo horjeedsadeen go,aanka uu madaxwayne biixi ku adkaystay sidoo kale waxa ugu danbayntii murankii iyo xiisadi xubinta gudoomiyaha komiishanka ka hadlay waddank uk isaga oo amb.niclos perlaung uu madaxwayne biixi iyo labada xisbi kala hadlay dar-dar gallinta doorashooyinka waxa ay gudida dhex dhexaadintu soo jeediyeen go,aan ay ku xalinayaan xubintan muranka dhalisay in la badalo komiishankii horena lasoo celliyo,si kastaba ha ahaate madaxwayne biixi go,aan rasmiya kamuu soo saarin salaanmedia/hargeisa…