Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo Shahaado Sharaf guddoosiiyey Maayar uu hore u Deyriyey

Berbera (SalaanMedia)- Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa shahaado-sharaf guddoonsiiyey maayarka magaalada Berbera Cabdishakuur Ciddin oo ka soo baxay xisbiga UCID doorashadii Goleyaasha Deegaanka ee sannadkii 2012-kii.

Haseyeeshee, Maayar Ciddin ayaa markii uu xilkaas hayey muddo yar kadddib, waxa uu ku biiray Xisbiga talada dalka Haya ee Kulmiye, taas jawaabteedana Eng Faysal Cali Waraabe waxa uu Xilligaas maayarka Berbera ku dhaliilay go’aanka uu kaga baxay xisbigiisa uguna biiray Xisbiga Kulmiye, isagoo guddoomiye Faysal ku dooday in Xisbiga UCID iska leeyahay Booska uu ku fadhiyo maayar Ciddin sidaas awgeed uu booska u banneeyo Xisbiga

Muuqaalka Hoose ka daawo Jewiga Munaasibaddii abaalmarinta Lagu guddoonsiiyey Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Berbera