Mid kamid ah ragii loo haystay Dilkii Caa’isha Ilyas oo la deynayo iyo Sababta keentay..

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in xuriyadiisa la siinayo mid kamid ah ragii loo heestay dilkii iyo kufsigii loo geestay Caa’isha Ilyaas ,kadib markii ay arintaasi ka heshiiyeen labada qoys.

Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame ayaa dhawaan laga reebay xukunkii dilka ahaa ee lagu fuliyay labo nin oo kale oo ku lug lahaa dilkii iyo kufsigii loo geestay Caa’isha Ilyaas, mid kamid ah raga la toogtay ayaana la dhashay ninkan hada lasii daayay.

Sida aan wararka ku helnay qoyska Caa’isha Ilyaas ayaa aqbalay in mag la siiyo lana sii daayo ninkan u xirnaa kiiska dilka, waxaana lagu waramayaa in labada qoys arintan isku afgarteen kana heshiiyeen.

Labada qoys ayaa ku heshiiyay bixinta magta Caa’isha Ilyaas, waxaana la sheegay in qeyb kamid ah lacagta lagu qiimeeyay geela megta ah la siiyay qoyska Caa’isha Ilyaas halka qeybta hartayna loo balamaya.

Arintan ayaa kusoo aadeysa xili dhawaan ninkan oo horey loogu helay in uu qeyb ka ahaa dilka io kufsigii magaalada Gaalkacyo Caa’isha Ilyaas loogu geestay looga reebay xukunkii dilka ahaa ee lagu fuliyay ragii kale ee kiiskaasi kula jiray.