Wasiirkii Qariyay In Iran Uu Coronavirus Ka Jiro Oo Isagii Laga Helay Xanuunka Coronavirus

Wasiirkii Qariyay In Iran Uu Coronavirus Ka Jiro Oo Isagii Laga Helay Xanuunka Coronavirus

Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka ee dalka Iiraan ayaa laga helay Caabuqa Corona, xilli ay Iiraan ahdda si weyn ula tacaaleyso cudurkaas oo saameyn weyn ku yeeshay dalkeeda, ilaa haddana dilay 15 ruux.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Caafimaadka ayaa xaqiijiyay in Iraj Harirchi uu ku dhacay cudurka dhawaan magaciisa loo bixiyay Covid-19, uuna hadda ku jiro karantiil.skynews-iraj-harirchi-iran_4930465

Madaxweyne Xasan Rouhani ayaa dhanka kale ku boorriyay dadka reer Iiraan inaysan argagixin, isagoo yiri: “Waan ka gudbi doonnaa Caabuqan”.

Saraakiisha Iiraan ayaa isbuucii lasoo dhaafay xaqiijiyay in 95 ruux uu ku dhacay Corona, laakiin waxaa la rumeysan yahay in tirada saxda ah ay aad uga badan tahay intaas.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in kororka lama filaanka ah ee kiisaska laga soo tabiyay Iiraan uu yahay “mid walaac abuuraya”.

Agaasime goboleedka hay’addan Qaramada Midoobay hoos tagta ayaa la filayay inuu Iiraan u duulo maalintii Talaadada, laakiin safarkiisa ayaa dib loo dhigay.

In ka badan 80,000 oo kiisaska Caabuqa Corona ah ayaa laga soo tabiyay guud ahaan caalamka.

2,700 oo ruux ayaa lagu soo warramay inay u geeriyoodeen xanuunkan, tan iyo markii uu dillaacay dabayaaqadii sanadkii lasoo dhaafay.

Inta badan dadka uu soo ritay ama dilay waxay ku sugnaayeen waddanka Shiinaha.

. 

Wararka aan ka heleyno magaalooyinka dalka Iiraan waxay sheegayaan in tirada dadka uu cudurkan ku dhacay ay aad uga badan tahay inta ay sheegeen mas’uuliyiinta dowladda.

Si ka duwan Talyaaniga, saraakiisha reer Iiraan waxay diidan yihiin inay karantiil kusoo rogaan goobaha uu saameeyay cudurka. Waxay sheegeen in karantiilka uu yahay wax mar hore laga tagay, iyaguna aysan hadda aaminsaneyn.

Macbadyada Shiicada ee ku yaalla magaalooyinka Qom iyo Mashhad ayaa wali furan, iyadoo la ogyahay in magaalada Qom ay hoy u noqotay cudurkan cusub.

Wadaadda ku sugan magaaladaas ayaa aaminsan in macbadyada Shiicada, oo ay isugu tagaan malaayiin ruux, ay yihiin goobaha lagu faano ee shiicada.

In la xiro waxay noqon kartaa tallaabo weyn oo ay qaadaan wadaaddada, umana badna inay albaabbada isugu dhuftaan ilaa ay cadaadis xooggan kala kulmaan beesha caalamka.

Halkaas waxaan ka arki karnaa dagaalka cad ee ka dhex aloosan diinta iyo seyniska.

Inta badan dadka reer Iiraan ayaa hadda aad uga walaacsan saameynta caabuqan.

. 

Iiraan ayaa sidoo kale la rumeysan yahay inay sabab u tahay kiisas Caabuqa Corona ah oo laga soo tabiyay waddamada dariska la ah ee Afghanistan, Baxreyn, Ciraaq, Kuwayt iyo Cumaan.

Dhammaan dalalkan ayaa laga soo saaray sharciyo xaddidaya in loo sarfo ama laga soo galo dhinaca Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.

Imaaraadka Carabta, oo ah waddan marin u ah caalamka oo dhan, islamarkaana laga leeyahay diyaaradaha caalamiga ah ee Emirates iyo Etihad ayaa isbuucii lasoo dhaafay dalkiisa ka mamnuucay inay soo maraan rakaabka iyo xamuulka ka yimaada dhinaca Iiraan.

Waddankan ayaa horay usoo tabiyay 13 kiis oo xanuunkaas ah, waxaana ka mid ah lamaane u dhashay dalka Iiraan.