Deg Deg:- Wasiir Ka Tirsan Dowlada Jabuuti Oo U Geeriyooday Coronavirus

–Waxaa dalka Jabuuti ku dhintay wasiirkii madaxtooyada u qaabilsanaa dhanka maalgashiga, Ali Geulleh Aboubaker, Sida uu soo xaqiijiyey waryaha BBC-da ee dalka Jabuuti Maxamuud Cismaan Bulxan.

Taariikhda marxuun Ali Geulleh Aboubaker

Wuxuu ka mid ahaa oo lagu xasuusta asaasayaashii jabhaaddi la dagaalantay 1991-kii dowladdii Waqtigaas uu hogaaminayay madaxweyne Hassan Guuled Abtidoon, ujeedkii ugu Weynaa ee dagaalkan ayaa waxa uu ahaa sidii aay Canfarta saami culus uga heli lahayd dowladda.

Masuuliyiinta jabhaadii Canfarta Frud oo uu ka mid ahaa marxuunku ayaa waxa aay aqbaaleen inay wadahadal la furaan dowladda ugu dambeynna waxa ay aqbaaleen inay qaatan heshiiskii lagu magaacabay Ambaaca 26 Desembar 1994-kii .

Heshiiskii kadib waxaa loo magaacabay marxuunka madaxa xafiiska madaxweyne Jabuuti oo uu 17 mamuulayay sidoo kale sanadkii 2016-kii waxaa uu noqday madaxii ololaaha doorashadii madaxweyne Geulleh . MarkiI uu ku guulestay madaxweyne Ismaacill Cumar Geulleh xilka 12 may 2016-kii ayuu u magaacabay wasirka malgashiga madaxtooyada Jabuuti .

Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa tacsi u diray qoyskii u ka baxay marxuunka iyo dadki uu u dhaawa intaba isaga oo ku amaanay doorkii uu ku laaha nabadda iyo horomarka dalka Jabuuti.