Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Oo Tacsi tiiraanyo Leh U Direy xisbiga Waddani Golayaashiisa Kala Duwan Iyo Shacbiwaynaha Reer Somaliland Geeridii Ku Timid Marxuum Khaliil Cisman Saban

 

Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Oo Tacsi tiiraanyo Leh U Direy xisbiga Waddani Golayaashiisa Kala Duwan Iyo Shacbiwaynaha Reer Somaliland Geeridii Ku Timid “Marxuum Khaliil cismaan saban” salaanmedia/Hargeisa…

 

 

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro Oo Tacsi Tiiraanyo Leh U Diray Marxuum Khaliil Cismaan Saban.
======================================

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Dhamman Reer Cismaan Saban iyo guud ahaan Qaranka Somaliland oo uu ka tacsiyaynayo geerida Alle ha u naxariistee Marxuum Khaliil Cismaan Saban Oo ku geeriyooday saaka Hargeysa.

Guddoomiyuhu wuxuu Illaahay uga baryayaa Marxuumka in uu su’aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowasana ka waraabiyo, ehelka, qaraabada iyo carruurtii uu ka tagayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.
Inaalillaahi wa inaailayhi raajicuun.

Af-hayeenka Xisbiga WADDANI.