QOF KA BOGSADAY COVID 19 MAR LABAAD MA KU DHICI KARAA?!

QOF KA BOGSADAY COVID 19 MAR LABAAD MA KU DHICI KARAA?!

Su’aal ay weydiisay warbaahintu Sir Patrick Vallance oo ah madaxa la taliyaha sayniska “Chief of Scientific Advisor” mar uu warbixin siinayey warbaahinta ka dib kulankii COBRA “Cabinet Office Briefing Room A” ee ka qabsoomay xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Britain 16-kii March 2020, su’aashaas oo odhanaysay “Qof uu mar ku dhacay COVID 19, mar labaad ma ku dhici karaa”?, iyagoo soo xiganaya gabadh dhamaadkii bishii February ee sannadka waddanka Jabaan iyadoo ka bogsatay hadana mar labaad laga helay.

Isagoo Sir Patrick ka jawaabaya ayuu yidhi “Cudur kasta oo ah nooca jeermiska faafa way dhici kartaa in ay qofka mar labaad ku soo noqdaan, laakiin waa wax aad u yar in ay dhacdaa. Maadaama, uu qofku u yeelanayo difaac “Immunity”. Ma aha wax badanaa dhaca in uu qofka mar labaad ku soo noqdo, laakiin waa mid aanu wax ka baranayno arrintan Japan ka dhacday”.

Maqaal isna 25-kii March 2020 ay soo saareen Xarunta Ka-Hor-Tagga Cuduradda Faafa iyo Xakamayntooda ee Yurub “European Centre Disease Control and Prevention” ayaa iyaguna sheegay in daraasado shaybaadh oo hore loo sameeyey ay caddeyn u yihiin in qofku jidhkiisu sameeyo unugyada difaaca ee loo yaqaan “antibodies” marka uu ku dhaco cudurada jeermisku taasina ay jidhka u samayso difaac “Immunity” muddo kooban oo aanu ku dhici karin isla jeermiskii, inkastoo aan la ogeyn mudadaasi inta ay noqon karto.

Isla 25-kii March 2020 mar su’aalo la weydiiyey Professor Jimmy Whitworth oo wax ka dhiga London School of Hygiene and Tropical Medicine uu kaga jawaabay “In ay mararka qaar jireen dad baadhitaan looga COVID 19 ay jawaabtu noqotay in ay qabaan, mar labaad lagu celiyey hadana ay soo baxday in aanay, mar saddexaad oo lagu celiyey uu hadana sheegan in qofku cudurka qabo. Sida ay u badan tahay ma dhacdo arrintan oo kale, maxaa yeelay ma dhacdo in qofku laba jeer uu ku dhaco isla cudurkii oo uu jidhkiisu u yeelanayo difaac, inkastoo aan la ogayn mudada uu qofku difaaca u leeyahay isla jeermiskii hore.

Markaa waxaa lagaa yaabaa in ay ahayd cillad farsamo “Technical issue” ama khalad ka yimi tijaabada “Sampling” laga qaaday qofka.

Waxa iyaduna dhacday meelo ka mid ah China sida Guangdong province oo dhowr qof oo ka bogsaday COVID 19 hadana dib ugu soo laabtay, laakiin arrintaa waxaa daadafeeyey Wang Wei oo ah Maareeyaha cusbitaalka Wuhan Tongji Hospital oo yidhi waxaa dhici kara in ay jireen khalad ka yimi xagga cabbirka qalabka lagu ogaado natiijada ee loo yaqaan Nucleic Acid Test la isku hallayn karo inta u dhaxaysa 30 ilaa 50%. Sidaa daraadeed aanay ahayn natiijo sax ah oo lagu kalsoonaan karo natiijada sheegaysa in dad uu COVID 19 ku dhacay oo ka bogsaday uu mar labaad ku dhici.

Qore :Fowsi Maxamed Aw Muuse