Somaliland: Shirkad Laaluush ku Bixisay Soo-Dhoofinta Badeecad Khatar ku ah Caafimaadka Bulshada

Hargeysa (Salaanmedia)- Shirkadda Tubaakada ee loo yaqaan BAT (British American Tobacco) oo fadhiigeedu yahay magaalada Nairobi, ayaa ku guulaystay inay Somaliland usoo waariddo Tubaacada Afka laga qaato ee loo yaqaan LYFT, taas oo khatar ku ah Caafimaadka, isla markaan la cadeeyay inay sababto Kansarka ku dhaca Afka.

Tubaakada LYFT oo laga mabnuucay waddamo badan oo Adduunka isla markaana caafimaad ka daran tukaabada kale ee la qiijiyo oo iyada laftigeedu sababta Kansarka ku dhaca sambabada, ayaa dhawaan qaab sharci-darro ah lagu soo geliyey dalka.

Wasaaraddaha Ganacsiga iyo Maaliyadda Somaliland, ayaa isku khilaafay in shirkadda BAT, dalka soo geliso Tubaakadaa Shirkadda BAT, kadib markii 13 April 2020, Wasaarada Ganacsiga Somaliland joojisay in dalka lasoo geliyo tubaakadaa oo dhan 300 kartuun, oo mid walba ay ku jiraan 48,xabo oo ah tubaakada Afka laga qaato.

Warkan oo Faahfaahsan kaga Bogo Muuqaalka Hoose