Wiil 13-sano jir Soomaali ah oo u geeriyooday Cudurka Caronavirus iyo Qoyskiisa oo…

Wiil 13-sano jir Soomaali ah oo u geeriyooday Cudurka Caronavirus iyo Qoyskiisa oo…

Wiil yar oo 13-sano jir Soomaali ah kuna noolaa magaalada London ee caasimada dalka Ingiriiska ayaa u geeriyooday cudurka Caronavirus oo hada kusii faafaya meelo badan oo caalamka kamid ah.

Ismaaciil Maxamed C/wahaab oo 13-sano jir ahaa horeyna aan u qabin cuduro kale ayaa u geeriyooday caronavirus, waxaana wiilkan markii lagu arkay calaamadaha cudurkan la geeyay isbitaal halkaas uu markii dambe ku geeriyooday.

Qoyska wiilkan yar oo kunoolaa magaalada London gaar ahaan xaafada Brixton ayaa aad uga naxay geerida wiilkooda, qoyskan ayeyna u suurto galin in ay arkaan wiilkooda saacadihii ugu dambeeyay noloshiisa.

Soomaali badan una badnaa dad da’ ah ayaa dalka Ingiriiska ugu geeriyooday caabuqa Caronavirus, waxaana wiilkan yar ee Soomaaliga noqday qofkii ugu yaraa ee gudaha dalkaasi ugu geeriyooda Caronavirus.

Dalka Ingiriiska uu kusii badanayo cudurka Caronavirus ayaa la sheegay in shalay kaliya dalkaasi cudurkaasi ugu geeriyoodeen dad ka badan 380-qof, waana tiradii ugu badneyn oo hal malain dalkaasi ugu geeriyooda Caronavirus.