Al Shabaab oo war kasoo saartay Qaraxii lagu dilay Gudoomiye Axmed Muuse Nuur

Xarakada Al Shabaab ayaa durba sheegatay masuuliyada qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay xarunta gobolka Mudug ee Puntland, waxaana qaraxan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxan waxaa ku dhintay Gudoomiyihii gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur, waxaana qaraxan la sheegay inuu fuliyay ruux waxyaabaha qarxa jirkiisa kusoo xiray oo soo galay xarunta gobolka.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa durba lagu sheegtay masuuliyada qaraxan lagu dilay Gudoomiyihii gobolka Mudug, Al Shabaab ayaa sidoo kale sheegtay in qaraxaasi ku dishay sadex kamid ah ilaalada gudoomiyaha gobolka Mudug.

“Guddoomiyihii gobolka Mudug ee maamulka Puntland ayaa ku dhintay camaliyad istish-haadi ah oo ka dhacday magaalada Gaalkacyo” ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay Al Shabaab.

Al Shabaab ayaa sidaan oo kale qarax ismiidaamin ah xili habeen ah ugu dishay Gudoomiyihii gobolka Nugaal ee Puntland, waxaana qaraxyadan maanta ka dhacay Puntland noqday mid aad u xanuujisay maamulka Puntland.