Ilaah Ha Garansiiyo Madaxweyne Biixi Erayga-san

Ilaah Ha Garansiiyo Madaxweyne Biixi Erayga-san

Bishan May 18keedii 2020, waxa isku beegmaykhudbaddii madaxweyne Muuse Biixi jeediyey ee uu kutilmaamamay in dawaldda Somalia tahay cadowgaSomaliland, iyo baaqiikacdoon shacabee islamaalintaas dhalinyaradu ka soo saartay Hargeysa, kaasoo ay kaga dayriyeen xaaladaha bulsho, siyaasoiyo dhaqaale ee shacabku ku sugan yahay.

Waxa isla bisha May 21keedii 2020 ka dabo yimiwarbixintii James Swan, xoghayaha gaarka eeQaramada Midoobay (QM) ee Somalia, uu siiyeyGolaha Ammanka ee QM, taasoo uu tibaaxay in wadahadallada Somalia iyo Somaliland ay meel wacanmarayaan.

Talow haddii m/weyne Biixi wadahadal iyo mufaawadokula jiray Dawladda Federalka Somalia (DFS), maxaaku kalifay inuu adeegasado erayadan xanafta badan?

Tan iyo intii Md Biixi xukunka qabtay ma tiro yara intajeer ee aflagaaddo iyo cambaarayn uu ku rusheeyeyDFS iyo madaxweyne Farmaajo. Hase yeeshee markanwaxa uu Md Biixi adeegsaday erayo huwan nacayb iyocolaadabuur. Mana ahayn erayo munaasib ah, welibamarka laga dhaad qabo in hore loogu heshiiyey in lagadhawrsado weedho xanaf leh oo la isu mariyowarbaahinta. 

Haddaba su’aashu waa: maxaa Md Biixi ku kalifayerayadan naca huwan? Jawaabtu waa tab lagu yaqaanmadaxda qaarkood inay sawiraan humaag cadow, marka ay arkaan baraarug shacab, si ay dadweynaha u Jiho habaabiyaan. 

Qasadka hadalka Biixina wuxu daarnaa in la hadheeyowarka baaqii dhalinyaradu ku beegtay 18ka May 2020. Sida keliya ee dhegeha dadka looga leexin karayeywaxay ahayd in Xamar cadow loogu sheego, laganamaqlo afka madaxweynaha.

Khudbaddii Md Biixi waxa kale oo ay su’aal gelisayniyad-samida maamulka Hargeysa ee ku aaddanwadahallada; ugu wacnaan waxay u egtahay in aysanku qancin in mufaawado lala galo Xamar, ama waa in aanay daacadba ka ahayn. Kuma ay qanacin oo waxayis-tuseen in wadahadalladu shaki gelinayaan gooni-isu-taaggii muddada dheer lagu taamayey. Waxa uumaamulku ka dhaad qabaa in wadahalladiimadaxweyne Siilaanyo bilaabay 2012 meel looganoqdaa jirin; ku darso iyana baqaha laga qabodhirbaaxada diblomaasiyadeed ee beesha caalamka.

Waxa kale oo Md Biixi yaqiinsaday in beeshacaalamaku wado masaalaxo iyo dib-u-heshiisiin(reconciliation); ee aanay wadin kala-saarid (arbitration) iyo garnaqsi midna. Ka garo Md Biixi in khudbadiisii18ka May 2020 uu ku xusay in kiiska Somaliland uugeyn doono Maxkamadda Caalamiga ah (ICJ), haddiiwadahadalku ictiraaf keeni waayo. Cajiib. Dal la aqoonsan yahay uun baa maxakamadd ICJ tegi kara, sow maaha?

Kolkaa arrin wuxu ku soo aruuray in la majarohabaabiyo shacabka, la maaweeliyo beesha caalamka(qawda maqashii); Xamarna lala dhuuqo kaalmadacaalamiga ah iyo quud-daraynta laga qabo saamigalaga heli doono cafinta deynta ($395 milyan) ee BangigaAdduunku ansixiyey bishii Marso 2020.

Falaqayntan kore waxa laga soo dheegan karaa, in Md Biixi ku jiro xaraj siyaasadeed oo loogu garaabi karo. Laakiin loogu garaabi maayo inuu nacayb ka dhexabuuro labada shacab (Waqooyi iyo koofur). Xasuuso in Ilaah (subxanallah wa tacaala) ku sheegay Quraanka in kelmadda wanaagsani la mid yahay sidii geed wanaagsan, xidid adag leh, laamihiisuna cirka saregaadhaan (15:24).

Waxa maamulka Biixi caawin Kari lahaa, xarajkana ka debcin lahaa, isagoo hagaajiya siyaasadda gudaha eeSomaliland, ka bilaaba eegista baaqii dhalinyarada, dhawra xasaanadda xoriydda shakhsiga iyocadaaladda, ilaaliya hantida gaarka ah; isla markaana u fasaxa dadweynaha inay dhegeystaan codadkataageersan wadajirka iyo qaranimada JamhuuriyaddaSoomaaliyeed. 

Ha loogu duceeyo madaxweyne Biixi in Ilaah garansiiyoerayga-san. Aamiin.

Wa Bilaahi Towfiiq

Maxamuud Cabdillahi Axmed

maxamuudaxmed@live.com