Shiikh Shariif oo ka adigay isku day kasta oo lagu kordhinayo muddo xileedka madaxda DF

Madaxweynihii hore ee Somalia Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa ka digay isku day walba oo lagu kordhinayo muddo xileedka Hey’adaha Dastuuriga ah ee dowlada federaalka.

Shariif Shiikh Axmed oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Madasha xisbiyada mucaaradka ayaa dhinaca kalr ku eedeeyay Guddoonka Baarlamaanka inuu ku xadgudbay Dastuurka KMG iyo sharciga doorashooyinka, tallaabadii muddo bil dib loogu dhigay hor’imaanshihii Baarlamaanka ee Guddiga doorashooyinka Qaran.

“Waxaan aad uga xumahay in guddoonka Baarlamanka Soomaaliya uu ku xadgudbay Dastuurka KMG & Sharciga Doorashada markii uu muddo bil ah dib u dhigay hadal-jeedinta guddiga doorashooyinka. Waxaan ka digeynaa isku day walba oo lagu kordhinayo muddo xileedka hey’adaha dastuuriga ah” ayuu yiri Shariif Shiikh Axmed oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitterka.

Waxaa uu sheegay in isku day kasta oo xili kordhin ah wixii ka dhasha ay qaadi doonto madaxda DF

“Wixii ka dhasha isku daygaas waxaa masuuliyaddeeda dusha u ridan doona madaxda dowladda Dowladdan waxay ku fashilantay waajibaadkii loo doortay oo ay ugu horreysay qabashada doorasho qof iyo cod ah kuna dhacda si xor ah oo xalaal ah” ayuu intaas ku daray Shariif

Safiirka Sweden ee Soomaaliya ayaa walaaciisa ku biiriyay hadal uu dhawaan soo saaray safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya kaas oo ahaa in ay cawaaqib xumo ka dhalan karto haddii guddiga doorashada Soomaaliya wakhtigii loogu talagalay ku imaan wayaan Baarlamaanka Soomaaliya laguna qaban waayo doorashada Soomaaliya wakhtigii loogu talagalay.

Safiirka Midowga Yurub ee Somalia ayaa horey uga digay qalalaasaha ka dhalan kara haddii doorashada wakhtigeedii lagu qaban waayo.

Digniinahan ayaa ku soo aadaya xili la hadal hayo warar sheegaya in madaxda DF ay wadaan qorshe loogu kordhiyo muddo xileedkooda oo ku eg Febraayo 2021, inkastoo Madaxweyne Farmaajo uu sheegay mar sii horeysay ineysan qorshaha ugu jirin muddo kororsi, doorashadana la qabanayo xiligeeda.