Aqoonyahan Cabdilaahi Aar Oo ah Musharax Tartamaya Duqa Caasimada Hargeisa, iyo Qorsheyaasha uu Wax Kagaga bedelayo

Hargeysa (Salaanmedia)Musharax Xildhibaan Cabdilaahi Maxamed Gaaxnuug oo loo Garan ogyahay “Cabdilaahi Aar” waa nin dhalinyaro ah isla markaana ka soo Shaqeeyn jiray arimaha Bulshada muda badan, sidoo kale horumarinta dhalinyarada door weyn ka soo qabtay aqoon durugsana u leh dhanka engineerinka iyo waddooyinka

Hada waxa uu diyaar u yahay inuu noqdo Maayarka Caasimada Hargeysa oo aan ka war qabno dhanka adeega Dalwada hoose inay ka liidato gobalo badan oo ka dakhli yar

Aqoon ahaan Cabdilaahi waa mid u dhisan isla markaasina dad badan ka war qabaan sida uu u yahay shaqsi u qalma jagadaasi

Hadii aynu eegno shaqsiyadiisa shaqo ahaaneed sida ay ka mara kacayaan dad badan oo shaqo wadaag ay noqdeen oo aan la kulanay waa shaqsi ka horunmariya danihiisa danta guud sidoo kalena shaqadu ay u tahay mid ka go’an goob wal oo uu joogo.

Inta badan dunida dadka ka Shaqeeya arimaha bulshadu waa hogaanada ugu wanaagsan dunida

Tusaale ahaan madaxweynaha Dalka Turkigu wuxuu ahaa dadka ka Shaqeeya arimaha BULSHAD sidoo kale Madaxweyne Brack Obama wuxuu ahaa dhalinyarada ka shaqeysa arimaha BULSHAD, waxaana dad badan ay aaminsanyahiin marka laga tago,aqoonta iyo waxyaabaha kale ee qofka lagu doorto in ay qeyb ka tahay kaalinta uu arimaha BULSHADA ka qaatay sidoo kalena aqoontiisa iyo wakhtigiisa uu mutadawacnimo galiyay la tahay ay noqonayso mid u horseedi karta shaqo wanaag iyo dhiiranaan dhanka horunmarka ah

Hadaba waxaa inagu waajiba si loo helo horumarkaynu hiigsanayno in dhalinyarada aqoonta leh lagu garab istaago hankooda oo aan qabyaalad lagu eegin Caasimaduna u hesho Maqaamki Caasimadaha dhigeeda ah