Askari dhowaan oday ganacsade u dilay labo kun Shso oo Maxkamad la soo taagay

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta lasoo taagay Askari Boolis ah oo magaalada Muqdisho ku dilay dhowaan oday ganacsade danyar ah oo 70 sano jir ahaa.

Askarigan ayaa agagaarka Isgoyska Ceelgaab ee degmada Xamarjajab ku dilay 16-kii June oday lagu magacaabi jiray Cumar Xasan Macalin oo ahaa 70 sano jir iibiya bagaashka fudud, wuxuuna isku dayay inuu baxsado, iyadoo ay soo qabteen ciidamo kale oo ka tirsan dowladda.

Askariga oo lagu magacaabo Nuur Daahir Geedi ayaa qirtay inuu falkaasi geystay, waxaana qareenada u doodaya sheegeen inuu ku sugnaa xaalad aan caadi ahayn loona qafiifiyo xukunka, uuna diyaar u yahay inuu bixiyo  magta marxuumka gacantiisa ku baxay.

Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa maxkamadda ka dalbatay in askariga dil toogasho ah lagu xukumo maadaama uu si bareer ah u dilay muwaadin miskiin ah, uuna ku kacay fal lidi ku ah waajibka loo xilsaaray ee ahaa inuu ilaaliyo amniga muwaadiniinta.

Guddoomiyaha Maxkamadda ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur (Shuute) ayaa dhegeysiga dacwada ka dib sheegay in maxkamadu xiran tahay, go’aanka xukunkana dib laga soo sheegi doono.