Madaxweynuhu wuxuu furay bundad huudhaydh ah shaadh kii ku jirayna awdal buu siiyay

Waa hadal ka mid ahaa hadaladii aan ku dhisnayn aqoonta iyo waaya aragnimada ee kasoo yeedhay wasiir ku Xigeenka wasaarada arimaha gudaha ex Sahra Tuugo. Group
Caydiisu waxay ku socotay afar jiho
Jihada kowaad waa madaxweynaha oo uu yidhi wuxuu furay bundad huudhaydh ah ka dib magacaabistii uu sameeyey ee badhasaabada,
Tan labaadna waxay ahayd gobolka Sanaag
oo uu yidhi waa aafo qaran wuxuuna ku caayay wixii uu isagu masuuliyadeeda lahaa oo ah horumarkii dawladnimo, taasna isagaa lehaa caydeeda wuxuu kaloo sheegay inaanay dhismayn dhulkaa dhaxa la dhigay malaa xan buu hayaa inaanay dawladu waxba la rabin gobolkaa, oo waa iska jabhade way ka qaraxday,
Jihada sadexaad waa gobolkii aqoonta Somaliland ee Awdal oo uu yidhi waa yuusay seen beryahaba, waa aflagaado wadareed uu kula kacay umad sharaf leh oo uu ka dhigay dad liita oo cabasho badan,
Jihada kale ee afraadna waa ragii loo magacaabay badha saabada oo uu kusheegay baaqigii bundad laga naqaystay oo wixii nafta lahaa lagala baxay, oo muujinqysa inay ahaayen rag aan u qalmin boosaskaa loo gaatay,
Waxaa isna aan yaraysan oo dhex qaaday Tiimbaro oo lagasoo bedelay Sanaag isna wuxuu aflagaadeeyey gobolkii uu mudada kasoo shaqeeyey ee iyagoo aan dawlad waxba ka arag durbaanada isaga tumay,taasoo oo uu abaal uga dhigay caydaa,
Maruu isyidhi cudurdaar bixina wuu sii dhex fadhiistay, oo kasii daray wuxuu yidhi hadal laga fasiran karo idinka waa tii aqoontii idinka tagtee kuwa yar yar oo bededaa jooga oo aan waxba ogayn ayaa sidaas udhigay isagoo leh waxba maydin fahanteen kuwiina joogaa Goabolka, waana aflagaado kale
Oo qaawan,
Waxaase nasiib daro ah in xukuumada haatan jirta aanay waxba kasoo qaadin masuuliyiinta caadaystay cayda dadka ay lacagtooda ku raaxaystaan, wax talaabo ahna
aanay ka qaadin waxaa iyana kasii daran kuwa waxaas geeysta
Oo aan lahayn damiirkii marka lagu tooso ay isku casili lahaayeen ama umadaa cudur daar dhab ah iyo cafis ku waydisan lahaayeen,
Geba gebadii waxaan odhanlahaa goboladaa la caayay inay ka digtoonaadaan dadka aan uqalmin madaxtinimada ee ay iska daba yaacayaan,ee durbaanka isga garaacayaan taas bedelkeedana ay hor dhigaan la xisaabtan iyo inaanay qaadan wax kasta oo aan ku haboonayan sharaftooda iyo karaamadooda,

Allaa mahadleh
Iman Maxamed Ciise

wuxuu furay bundad huudhaydh ah shaadh kii ku jirayna awdal buu siiyay