Siyaasi C/Laahi Aar Oo Ah Murashax U Taagan Doorashada Golaha Deegaanka Caasimada Hargeisa Oo Bogaadiyay Saddexda Xisbi Qarran

Siyaasi C/Laahi Aar Oo Ah Murashax U Taagan Doorashada Golaha Deegaanka CaSimada Hargeisa Oo Bogaadiyay Saddexda Xisbi Qarran salaanmedia/Hargeisa…

 

Cabdilahi Maxamed Gaaxnuug Aar oo ka mida musharaxiinta ku dhawaaqay inay u tartamayaan isla markaasina u taaganyahiin doorashada golaha deegaanka ee caasimada Hargeysa, ayaa shir jara’iid oo uu maanta ku qabtay Magaalada Hargeysa waxaa uu ku hambalyeeyay mudaynta doorashada golaha deegaanka iyo baarlamaanka isaga oona ku tilmaamay inay qaabka ay u socotaa ay aad uga duwantahay mudo kordhimahii hore madaama oo dhamaan dhinacyada xukumada iyo xisbiyada qaranka oo ay ku lamaanyahiin koomishankuba isku raacsanyahiin isla markaasina aanay wax khilaafi xiliga la qabanayo ka taagnayn.

Hadaba Musharax Cabdilaahi Maxamed Gaaxnuug (Aar) oo ka mida musharaxiinta ugu firfircoonida iyo kartida badan musharaxiinta Caasimada Hargeysa ayaa waxaa uu yidhi
“Waxaan soo dhaweynayaa isla markaasina aan halkan ka Hambalyaynayaa, mudayntii loo sameeyay doorashadii golayaasha deegaanka iyo barlamaanka, taasoo muddoyinkii hore ee la kordhin jiray ama loo qaban jiray wakhtiga doorashada kaga duwan, in xisbiyadii qaranka, xukumadii iyo koomishankii doorashooyinkuba ay isku raacsanyahiin in doorashadaa wakhtigeeda 9-kaa bilood gudahooda lagu qabto intaa ka horeysana loo diyaar garoobo qabsoomidii doorashada waxyaabahii ka horeeyay sida diiwangalintii codixiyayaasha”
Musharaxa oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu tilmaamay in ka musharax ahaan isaga iyo qaar badan oo ka mida dhalinyarada musharaxiita ah ee tartamaysaaba ay muddo badan sugayeen sidii doorashadu u dhici lahayd isla markaasina ay Samir badan u muujiyeen sugida doorasho laysku wada raacsanyahay dhinac walba waxaana uu yidhi
“Anaga aad ayay noogu raagtay oo 5 shan sanadood ayay raga qaar ku maraysaa musharaxnimadu, raga qaarna 11 sanadood ayay ku maraysaa, raga qaarna 9 sanadood ayay ku maraysaa intaaba maalinba maalinta ka danbeysa ayaa lays lahaa malaha maantay ugu dhawdahay, intii hore kamaanan hadal lakiin waxaan maanta uga hadlaynaa hanaanka iyo wada socodka iyo qaab dhismeedka imika loo dhigay ayaa waxa uu kaga duwanyahay kuwii hore waa ku laysku wada kalsoonyahay oo lagu wada socdoo, dhinac looga soo wada jeedo ayuu yahay, markaa waan Hambalyaynaynaa waanan soo dhaweynaynaa”
Xildhibaanka ayaa sidoo kale waxaa uu dhamaan shacabka Somaliland ku dhaqan ugu baaqay in ay diyaar garoow ka sameeyaan doorashada isla markaasina ay intii aan qaadan kaadhadhka codbixintu ay is diiwangaliyaan si ay uga mid noqdaan xubnaha codbixiyayaasha, waxaana uu ku dhiirigaliyay in cid waliba oo muwaadin ah oo xiligii hore ee diiwangalinta aan qaadan kaadhka in ay qaataan kaadhka codbixiyayaasha Somaliland.
“Shacbiga waxaan leeyahay u diyaar garooba doorashadii 9-bilood gudahood ayaay ku dhacaysaa diiwangalintii codbixiyayaasha ayaana ka soo horeysa oo la bilaabayaa, meel kasta oo ay joogaan shacabka reer Somaliland waxaan leeyahay wixii aan hore kaadh u qaadan kaadhkaa ha qaataan oo ha u diyaargaroobaan inay ka mid noqdaan codbixiyayaasha, walaalahayga musharaxiinta sidaydana waxaan leeyahay ka diyaar garooba oo ka qeyb qaata qabsoomida doorashada wixii dhinaciina ahaa”
Musharax Cabdilaahi Maxamed Gaaxnuug (Aar) ayaa ka mida musharaxiinta ugu caansan caasimada Hargeysa waxaana inta badan uu haystaa codadka iyo taageerada beesha uu ka soo jeedo, waxaana uu ku rajo weynyahay sida uu sheegay in uu noqdo Maayarka Caasimada Hargeysa ee Mustaqbalka hadii uu guulaysto.
Dhawaan ayay ahayd markii Koomishanka Qaranka Somaliland iyo Xisbiyada oo ay ku lamaantahay Xukumada Somaliland ay ku dhawaaqeen in Doorashada Golaha Deegaanka iyo Barlamaankaba la qaban doono 9 bilood ka bacdi oo noqonaysa bisha 5aad ee sanadka 2021.