Maareeyaha Shirkada Laydhka Ee Indha-Birta Oo Ka Hadlay Shaqaale Ciidamada Boliisku Xidheen

Maareeyaha Shirkada Laydhka Ee Indha-Birta Oo Ka Hadlay Shaqaale Ciidamada Boliisku Xidheen salaanmedia/Hargeisa…

Ciidamadu Mar walba Way Xidhaan Shaqaalahaayaga Markay Mudo War wareejiyaana way Iska Soo Daayaan .Maareeyaha Shirkada Laydhka Indho Birta oo Ciidamada Booliska Ku Eedeeyay inay Gaar u Beegsadaan+Shaqaale laga Xidhay oo Mudo Xabsiga ku Jira Maxkamad La, aan. Hargaysa(SalaanMedia):.Maareeyaha Shirkada Laydhka ee Indho Birta Maxamed Cabdilaahi Muxumed oo Maanta La hadlay Qaar ka mida Warbaahinta Magaalada Hargaysa ayaa Sheegay in Ciidamada Booliska Somaliland ay Xabsiga u Taxaabeen Qaar ka mida Shaqaalaha Shirkada indho Birta oo Iyagoo Shaqadoodii ku jira Deegaanka Xaraf ee Koofur Galbeed Hargaysa ay Ciidamadu Xidheen islamarkaana ay Mudo Saldhiga ku Jiraan Shaqaalahaasi iyadoo aan Ilaa Hada Maxkamad la Horgayn . maareeyaha oo Hadalkiisa Sii Wata ayaa sheegay in Ciidamada Booliska Somaliland ay Si Gaara U beegsadaan Shaqaalaha Shirkada Indho Birta islamarkaana ay Xidhaan ka dib markay Mudo Haystaan Maxkamad la, aan ay Sii Daayaan waxaanu ku Tilmaamay Talaabo lagu Doonaayo In lagu Fashiliyo Qorshaha iyo Hiigsiga Shirkada indho Birta ay u Qorshaysay Inay adeega laydhkooda ku wada Gaadhsiiyaan Dalka oo dhan gaar ahaan Magaalada Hargaysa, Isagoo ku Hajabay in aanay Tacadiyada iyo Xadhiga Shaqaalahoodu aanu Ka joojinaynin Qorshaha Shirkada Indho birta ee Bixinta Laydhka . maareeyaha oo Arimahaasi ka Hadlaaya waxa uu yidhi Sidan. ;;Ciidamadu Mar walba Way Xidhaan Shaqaalahaayaga Markay Mudo War wareejiyaana way Iska Soo Daayaan,

laakiin Hawlahaasi nagama Hor istaagayaan Qorshahaayaga , maaha markii ugu Horeysa ee Ciidamada Boolisku Xidh xidhaan Shaqaalahaayaga waa Arin Ujeedo laga Leeyahay. sikastaba ahaatee maaha markii ugu Horeysa ee Shaqaale ka Tirsan Shirkada Indho Birta ay Ciidamada Booliska Somaliland Xabsiga u Taxaabaan lamana Hayo Wali shaqaale la xidhay oo La Horgeeyay Maxkamadaha Dalka balse markay Mudo Xidhnaadaan ayaa Xoriyadooda loo Soo Celiyaa , Wasaarada Macadanta iyo Tamarta Somaliland wali kamay Hadal Sababta keentay Xadhiga Soo Noqta ee Shaqaalaha Shirkada Indho Birta.