Maxay Dhalinyarada iyo Wax-garadka Bariga Burco maanta ku soo bandhigeen Hargeysa

Hargeysa (SM)- Dhalinyarada, Aqoonyahanka iyo Wax-garadka ka soo jeeda Bariga Burco ee ku dhaqan magaalada Hargeysa, ayaa muujiyey taageerada ay u hayaan Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye oo xaflad laysku arkay maanta ugu qabtay magaalada Hargeysa.

Munaasibadda oo ku qabsoontay Hotel green Plaza ee caasimadda Hargeysa, ayaa dhalinyarada Bariga Burco ku soo bandhigeen kalsoonida iyo taageerada ay u hayaan Xisbiga Kulmiye, iyadoo hadallo ay munaasibadda ka jeediyeen kaga fal-celiyeen hadal-haynta khilaaf siyaasadeed oo xisbiga ka dhex-jira.

Hadallada ay dhalnyarada iyo Aqoonyahanku ka jeediyeen munaasibadda kaga bogo Muuqaalka Hoose