Maxkamadaha Puntland oo ku kacay Dulmigii ugu Weynaa iyo Murugada Qisada Haweenay Caddaalad-darro tabanaysa

Garowe (SM)- Kutubo Cali oo ah hooyo ka soo jeedda Beelaha Laga tirada badan yahay ee ku nool maamul-goboleedka Puntland, ayaa tabasho cadaaladeed ka tirsanaysa Maxkamadaha iyo hay’adaha Sharciga ee maamul-goboleedkaas.

Muuqaal ay baahisay warbaahinta Daljir, ayaa haweenaydani kaga sheekaysa qiso murugo xambaarsan oo ay kala kulantay maxkamadaha, kaddib markii ay dacweysay haweenay ku nool dalka Maraykanka oo Lacag faro-badan ka dhacday.

 “Waa la ii caga jugleeyey, waa la ii dhaartay, gurigayga ma seexdo, hantidaydiina waa maqan tahay,” ayay tidhi iyadoo ilmaynaysa.

Daawo Qisada Hooyadan oo dhinacyo badan taabanaysa tabasho cadaaladeedna daaran