Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Oo Shirkada Ethiopian Airlines. Ugu Aqoonsatay Mid Ka Mid Ah Cashuurbixiyeyaasha Ugu Wanaagsan Sanadka 2020

Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Oo Shirkada Ethiopian Airlines. Ugu Aqoonsatay Mid Ka Mid Ah Cashuurbixiyeyaasha Ugu Wanaagsan Sanadka 2020 salaanmedia/Hargeisa…

Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland ayaa Markii ugu Horaysay Abaal-Marino Gudoonsiisay Cashuur-Bixiyayaashii Ugu Wanaagsanaa 2020-ka. Munaasibada abaal-marinta oo ka qabsoontay Hotel Maamuus ee Magaalada Hargeisa, ayaa lagu abaal-mariyey 65 Cashuur-Bixiye oo ka kala yimid guud ahaan Gobolada iyo Degmooyinka Dalka Somaliland, iyadoo laga soo kala xulay ganacsatada heerar kooda kala duwan, hase ahaatee shirkada duulimaadyada ee Ethiopian Airlines ayaa noqotay shirkada kaliya ee caalami ah ee ka mid noqotay cashuur bixiyeyaasha ugu wanaagsan Somaliland sanadkan 2020.

 


Ethiopian airlines iyada oo aan ahayn shirkad laga leeyahay dalka Somaliland hadana waxay tusaale fiican iyo dhiirigalin u tahay cashuur bixiyeyaasha gudaha iyo kuwa caalamiga ah ee ka halw-gala gudaha Somaliland. Ethiopian airlines waxay buuxisay dhamaan xeerarka iyo habraacyada u yaala cashuuraha Dawlada Jamhuuriyadda Somaliland sidaa darteena waxay noqotay shirkadii ugu horeysay ee caalami ah ee ka mid noqota cashuur bixiyeyaasha ugu wanaagsan Somaliland.

Dhanka kale shirkada Ethiopian airlines ayaa kulan warbaahineed kale ku qabatay xafiiskeeda Hargeisa, kulan oo ujeedkiisu ahaa in wasaarada maaliyadda lagu habalyeeyo go’aanka ganacsada cashuurta bixisa lagu abaal marinayo. Kulan warbaahineedkan waxa ka hadlay madaxa suuqeyta shirkada Ethiopian airlines xafiiska Hargeisa Maxamed Cumar Jibriil, oo ugu horeyn u mahadnaqay wasaarada H Maaliyada isaga ku amaanay go’aanka ay ku dhiiratay.
Waxana hadaladiisii ka mid ahaa ‘’ugu horeyn waxanu wasaarada ku amaanaynaa in ay ku dhiiratay in Ethiopian airlines ay u aqoonsato cashuur bixiye wanaagsan” shirkada Ethiopian airlines waxay bixisaa laba cashuurood oo kala ah cashuurta iibka iyo cashuurta ilaalada (Security Tax).
Waxa kale uu sheegay in shaqaalaha xafiiska Hargeisa, ay naf hur ku soo shaqeeyeen mudadii Corona Virus, uu dunida kala xidhay iyaga oo kumanaan macaamiil ah ugu adeegi jiray xili ay xidhnaayeen badi garoonka gobolka Geeska Africa.
Ugud danbayn waxa uu sheegay in shirkadu dhawaan bilaami doonto duulimaad Cargo-ga u gaar ah oo ay ka faa’iidaysan doonaan ganacsatada Somaliland.

 

 

 

The Somaliland Ministry of Finance Development has for the first time awarded the best taxpayers of 2020. The award ceremony, held at the Mamuus Hotel, in Hargeisa, was attended by 65 taxpayers from all regions and districts of Somaliland, selected from the business community at various levels, but the airline Ethiopian Airlines has become the only international airline to be one of the best taxpayers in Somaliland by 2020.
Ethiopian Airlines, a non-Somaliland company, is a good example and inspiration for local and international taxpayers operating in Somaliland. Ethiopian Airlines has complied with all the tax regulations and procedures of the Government of the Republic of Somaliland and has therefore become the first international company to be one of the best taxpayers in Somaliland.

Meanwhile, Ethiopian Airlines held another press conference in it’s Hargeisa office, aimed at congratulating the Ministry of Finance on its decision to reward taxpayers. Speaking at the press conference, Mohamed Omar Jibril, Chief Marketing Officer of Ethiopian Airlines in Hargeisa, first thanked the Ministry of Finance for its courageous decision.
“First of all, we commend the ministry for its determination to recognize Ethiopian Airlines as a good taxpayer.” Ethiopian Airlines pays two taxes: a sales tax and a security tax.
He also said that Hargeisa office workers, who had sacrificed their lives during the Corona Virus, had closed the world by serving thousands of customers while most of the Horn of Africa regional airports were closed.
Finally, he said the company will soon launch its own Cargo flight for the benefit of Somaliland businesses.