Al-Faatix: Macad lagu baranayo Xiftiga Qur’aanka Kariim ah iyo Shareecada Islaamka oo Hargeysa laga furay

Hargeysa (SalaanMedia)- Macad cusub oo lagu baranayo Xiftiga Qur’aanka Kariimka ah, Shareecada Islaamka iyo Luuqadda Carabiga, ayaa maanta laga furay magaalada Hargeysa.

Macadkan oo lagu magacaabo Al-Faatix, ayaa maanta magaalada Hargeysa loogu qabtay munaasibad lagu shaaciyey daah-furkiisa, waxaana munaasibadda ka qayb-galay Guddoomiy ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Somaliland, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, culimo-aw-diinka ugu magaca weyn caasimadda Hargeysa qaarkood, Abwaanno iyo Marti-sharaf kale.

Haddaba, waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa muuqaalka warbixin laga diyaariyey munaasibaddii maanta lagu daah-furay Macadka Al-Faatix