GED-GEDOONKA SIYAASADA SOMALILAND, DOORASHOOYINKA SOMALIA IYO XAALADAHA ETHIOPIA!!

ISBADELADA SIYAASADEED EE GOBOLKA GEESKA AFRICA LAGA FILAN KARO , GED-GEDOONKA SIYAASADA SOMALILAND , DOORASHOOYINKA SOMALIA IYO XAALADAHA ETHIOPIA !!!

Gobolka Geeska Africa waxa ka socda isbadelo badan oo qaarna ay hoosta ka soo hurayaan, qaarna ay soo muuqan doonaan dhowaan , waxaana laga yaabaa in ay isbadelaan wax badani horaanta ilaa badhtamaha sanadka 2021 marka aad eegto sida ay wax yihiin.
JAMHUURIYADA SOMALILAND
Jamhuuriyada Somaliland waxa ka socda Ged-gedoon siyaasadeed oo gabi-dhacleynaya oo aan la saadaalin karin wax badan , sababo badan awgood , waxaa ka mid ah sababahaasi;
1- waxa aan wali cadeyn cidda ku tartamaysa doorashooyinka soo socda oo wali go’aan aan laga gaadhin in tartankii ururada siyaasada iyo axsaabta la furayo oo la raacinayo doorashada isku sidkan iyo in aan la fureyn oo doorashooyinku kala hadhi karaan isla markaana xiligeeda lagu beegi doono.
2- Axsaabta siyaasada Somaliland ee hadda joogtaa wali ma jiro mid uu cad yahay murashaxa u taagan doorashada madaxtooyada ee dambe oo wali waxa ay la rafanayaan shirarkii lagu dooran lahaa hogaanka xisbiga , xubnaha golaha dhexe , fulinta iwm.
3- waxaa suuragal noqon kara in deegaamada wax dooranaya ee axsaabtu taageerada ka helaan iyaguna ay is badeli karaan oo uu soo baxo isbahaysiyo siyaasadeed oo cusub , kuwaasi oo noqon kara qaab beeleysan iyo qaabab gobeleysanba.
Somaliland doorashada soo socota waxa lagu kala guuleysanayaa dadka dibada ka taagan axsaabta siyaasada ( un desired ) ama beelo ha noqdaan ama dadka tirada badan ee raba in loo furo ururada siyaasadeed ha noqdaane , ku guuleysigeeduna waxa uu u baahan yahay xirfad iyo farshaxanimo siyaasadeed.
JAMHUURIYADA FEDERALKA SOMALIA
Gobolka Geeska Africa waa mid marba marka ka dambaysa saameyntiisa uu isku leeyahay ay aad isugu soo dhawaanayso sababta oo ah wax badan oo laga mideysan yahay ayaa jira oo ay ugu horeyso la dagaalanka argagixisada , in nabadgalyo lagu wada noolaado iyo in la iska kaashado waxii uu dano ah guud ahaan Gobolka Geeska Africa.
Haddaba dalka Jamhuuriyada Federalka Somalia waxa isagana ka jira in la mudeeyey doorashooyinkii dalkaasi oo laga yaabo in ay dhameystirmaan inta ka horeysa bisha Feb 2021 , walow xiliga la mudeeyey iyo hawsha taala baaxad ahaan iyo sida wali aan talaabo hore loogu qaadin la odhan karo dib ayey u dhici karaan.
Waxa iyaduna aan wali la soo dhisin xukuumadii dalka doorashada gaadhsiin lahayd ee suuragalin lahayd in doorasho qabsoonto , taasi oo iyaduna ah caqabada koowaad ee hada taaganba , marka aad eegto arimahaasi iyo qaar kale oo badan oo jira waxaa dhici karta in aanay doorashooyinku ku qabsoomin xiligaasi loo asteeyey.
Jamhuuriyada Federalka Somalia waxa iyadana ka jira is xulafaysiyo beeleed iyo qaar siyaasadeed oo si hoose u socda oo la rabo in cid waliba Madaxwaynaha dambe ee Somalia iyagu yeeshaan,  arinkani oo ay u xusul duuban yihiin Madaxwaynayaasha maamul goboleedada,  Madaxwaynaha farmaajo,  isbahaysiga mucaaridka ah iyo axsaabta kale ee badani .
Waxa iyaduna dhinac socota doonista beesha ceelamka , saameynta dawladaha jaararka la ah Somalia ay ku leeyihiin doorashada Somalia,  saameynta xoogan ee wadamada carabta iyo Turkey uu ku leeyahay iyo waxyaabo badan oo kale oo ka ah dibada oo ay macquul tahay in ay wax weyn ka badelaan doorashada soo socota
SAADAASHA MADAXWAYNAHA SOMALIA EE SOO SOCDA IYO KHATARAHA SOMALILAND KAGA SOO FOOL LEH
Madaxwaynaha Somalia ee soo socdaa waxaa doorkan suuragal ah amaba laga filan karaa in uu noqdo Madaxwayne ka soo jeeda Jamhuuriyada Somaliland , arinkani oo ah mid looga jeedo xal Somaliland lagu soo gole galinayo , fartaasina waxa soo dhigaya maanta cida kursiga fadhida .
Sababta ugu weyn ee doorashada Somaliland iyo Somalia la iskugu dhadhaweeyo xiliyadooda  baryahan dambe oo dhan ee la iskula eegtaa waa sababo siyaasadeed oo salkeedu fog yahay oo loogu talogalay in marka doorashada la isku colaadsado ay dagaalo dhacaan amaba beelo la isku dilo , si loo helo jamhuuriyadii Somalia oo isku xaalad ku jirta.
Sidaasi oo kale waxa la saadaalinayaa in xulfi siyaasadeed oo beelaysan ay isla gaadayaan beelaha Hawiye iyo Daarood oo daaha dabadiisa lagu soo shiilayo arimo badan, waxa isaguna cidiyaha ku dagaalamaya Farmaajo oo aanay dani ugu jirin waxyaabaha socda oo raba in uu halkooda ku burburiyo.
ETHIOPIA
Waxa ay ahayd sanadkii 2018 markii uu dalka Ethiopia Raisal wasaare u doorteen Abiy Ahmed Ali , waxaa uu ahaa shaqsi markii kursiga uu yimid faaladii iyo sidii loo haystay si ka duwan ah , waxaana uu noqday qof qaatay go’aano adadag si uu dalka Ethiopia uga taliyo mustaqbalkiisa dambe , waxaana uu la heshiiyey Erateria oo ahayd halkii Ethiopia dabku kaga soo baxayey waxa ay noqotay lama filaan.
Waxa uu qaatay in uu guud ahaan jabhadihii iyo mucaaridka dalka Ethiopia oo dhan soo dhaweeyo,  waxii maxaabiis xidhnaa sii daayo dalkana ku dhaqo nidaam furfuran oo dabacsan oo dimuqaeadiyadeed oo aan dalka Ethiopia hore uga hirgalin , oo dhinacwalba xaga ganacsiga , furfurnaanta siyaasadeed,  cilaaqaadka Ethiopia iyo dawladaha Gobolka iwm.
Talaabo kasta oo uu qaadaa cid bay danaheega ka hor imanaysay oo aan jeclaysanayn taasi oo uu khatar ku gallay in la inqilaabo amaba la khaarajiyo oo uu ka badbaaday,  waxa dhacday in dardartii ku jirtay uu aad u degdegay oo laftiisu taasi oo keentay kacdoonada soo cusboonaaday guuxa tigreega , arinka biyo xidheenka iwm.
Ethiopia waxa iyadana ka dhex socda is xulafaysiyo siyaasadeed oo aad loo dareemayo oo waxa aad moodaa in xayndaabka xisbiyadaba la iskala baxayo oo loo guuri doono xulfi siyaasadeed oo qoomiyado dabada ku haya kaasi oo aan la garan karayn waxa uu soo wato iyo qaabka uu noqon doono ilaa hadda laakiin waxa muuqda sansaantoodii.
Hadda Ethiopia lama garanayo goor doorashada la qabanayo , maadaama madaxdii mucaaridka la xidh-xidhay , gobolada qaar ku kacsan yihiin maamulka Abiy Ahmed,  haddana dalka Ethiopia maaha mid loogu werweri karo sida dalalka kale ee Africa , sababta oo ah taariikhda ayaa wax badan ku baraysa iyo inta uu dalkaasi soo jiray iyo wax badan oo Africa ku burburtay uu kaga badbaaday.
Labada dal ee kale ee Erateria iyo Djibouti iyaga doorashooyin iyo nidaamyo dimuqaeadiyadeed midna lama hadal hayo,  taasi oo khatar ku ah dadka dalalkaasi ku nool iyo guud ahaan Gobolka Geeska Africa maadaama uu yahay mid saameyntiisa iyo xaaladihiisu iskuwada xidhan yahay.

Mohamed Dhimbiil