Guddoomiyaha Baanka Dhexe JSL: Masuul Aqoontiisa uga faa’ideeyey Dalka

Oodweyne (Salaanmedia)- Waftigii Balaadhnaa Ee uu Hogaminaayey Madaxwaynaha Qaranka Jsl Mudane Muuse Biixi Cabdi Ayaa Gaadhay Magaalada oodwayne Madaxwaynaha iyo Waftigiisa ayaa Xadhiga ka jiri Doona Mashaariic Horumarineed oo Xukuumadu Gobolka ka Fulisay Mashaariicda Lagu Faani karo Ee Uu Madaxwaynu Furay Waxaa ka mida Bank Heerkiisu Sareeyo oo Laga Dhisay Gobolka Daadmadheedh

Waxaana Loo Qabtay Xaflad Taariikhi ah oo Furitaanka Baanka ku Taxaluqda Gudoomiyaha Baanka Somaliland Cali ibraahim (Baqdaadi)Ayaa Bulshada Uga War Bixiyey Marxaladihii uu soo Maray Dhismaha Baanka La dhisay iyo Sidii Muhim-dhiskeedu ku yimid Waxaanu yidhi Gudoomiyuhu”

Sanadkii 2015 kii Ayaa Wafti uu Hogaaminaayo Cumar Xogogaal oo ah Horjoogaha Laamaha Bari Waxaa La socday Aden Buuni oo ahaa Edetinka Baanka Waxaa La socday Guuleed oo ahaa kaasheer. Waxay sameeyeen Daraasad Natiijadiina Waxay Noqtay in Gobolku u Baahanyahay Baank”

Markii uu Madaxwaynuhu Na Magacaabay Aniga iyo Agaasimaha Wuxuu Noo Fidiyey Casuumad Markii Aanu Qadaynay Ayaan Madaxwaynaha u Dhiibay Waraaq uu ii dhiibay Suldaankii Halkan ka Hadlay Wuxuuna igu Yidhi Madaxwaynaha u dhiib Marka kuugu Horaysa Eed Aragto.

Madaxwaynaha ayaan u dhiibay Waraaqdii Wuxuu igu yidhi”Akhri Waan u Akhriyey Wuxuu igu yidhi” Wixii ku khuseeya fuli Wixii kale Waxaan u dhiibi Wasiirada ay khusaysee” Arintaasi Waxay i Galisay Kalsooni Buuxda Ayuu Yidhi Gudoomihaya Baanka JSL.

 

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa Sheegay inuu Meel Gaba gaba ah Maraayo Dhismihii Banka Magaalo Ganacsiyeedka Wajaale

Cali ibraahim Baqdaadi ayaa Mudadii uu Xilka Baanka jsl Hogaaminaayey ku Guulaysta Horgalinta Baanan uu Dalku Baahi Wayn u Qabay.

soo dhaweynta muuse biixi oodweyne

Waxaana Lagu Tilmaami karaa Inuu yahay Masuul Aqoontiisa uga Faaiideeyey Umada somaliland Ee Baahiyaha U Qabay Cid si Daacadi ku jirto ugu shaqaysa

Gudoomiye Baqdaadi Wuxuu Salka u dhigay Sicir-bararkii ay Somaliland La Daalaa Dhacaysay Mudo Sanado ah
Waxaanu Dadaal dheer u Galay sidii uu Qiimaha Lacagta Somaliland kor ugu Qaadi Lahaa Waanu ku Guulaystay
Sidoo kale Wuxuu Banka Somaliland ka Dhigay Mid La Jaanqaadi kara Baananka Aduunka Waana Sobobta ay Shirkado Caalami ah iyo Baanan Madaxbanaan oo Gaar Loo Leeyahay ugu soo Hiranayaan inay Dalka Ka Furtaan Xarumo,