Maroodigu Tagarta Saaran ma arko ee Ta ka kale saaran ayuu miliilicaa !!!!!


Maroodigu Tagarta Saaran ma arko ee Ta ka kale saaran ayuu miliilicaa !!!!!

Guud ahaan Dalku wuxuu dhabadii Dhibta , Dhaca , kala-dhambalka Shacabka , Dhoy la’aanta ,
ku dhiiranaanta Xidhida Shacabka iyo U dhaqaaqida Xaraashka iyo Xadida Xoolaha Umadda Reer Somaliland uu la kowsaday Xiligii uu Kulmiye Taabka la helay Hogaanka Somaliland . Taas oo shacabka dhaxalsiisay in uu ku dhaco Tiih oo ay ku Asqoobaan Durufahan iyo Mawjamdahan ga-gandoomaya ee ay Waayaha iyo Wakhtigu wal-waalayaan oo badankoodu ay yihiin Duruufo uu Kulmiye keenay lagana dhaxlay Maamul xumaanta aan lahayn Aragti ka turjubanaysa qiimaha Dadka iyo Dalkuba leeyihiin iyo sida Mustaqbalka Shacabka Somaliland u ekaan karo .
Waxaad moodaa in Kulmiyihii Xilgiii Siilanyo Hoganka hayay in uu lunsaday hanti aad u badan oo aanay cidiba la xisaabtamin iyo kan hada jooga ee uu Muuse hogaminayo oo Isaguna u qalab-qaadtay in uu sii xoojiyo xadida intii ka hadhay Siilanyo. Hadaba labaduba Waa Kulmiyihii hore iyo Kan hada jooga’e wuxuu dhaqankoodu ku soo ururay Xaraashida Dalka iyo Xadida Xoolaha Ummada ee aanay jirin Mustaqabal iyo Aayatiin ay danaynayaanba . Waxaana imika bilaabantay in uu midiba ka kale farta ku fiiqo kuna tilmaamo in aanay Cadaaladi jirin oo ay badankoodu iyagoo Hadoodilaya hadaladooda u dhigaan Markay iyagu joogeen in uu Dalku wanaagsanaa. Cajiib!!!

Anis M Ismail