Murashaxii u horreeyey Golaha Deegaanka Hargeysa ee Aqoon lagu soo xusho oo Xalay oo la soo bandhigay

Waxaa Habeenkii Xalay ahaa Magaalada Hargaysa Lagu Qabtay Xaflad Lagu Shaacinaayey Laguna Taageeraayey Musharaxnimada Eg: C/laahi Cali Xuseen Oo Golaha Deegaanka u Matali Doona Baha Bilaal Oo Dega Gobolka Maroodi jeex iyo Hawd

Munaasibada Xaflada oo ay ka soo Qab Galeen Siyaasiyiin.Salaadiin Ganacsato Haween. Dhalinyaro Iyo Waxgaradka Gobolka Maroodi-jeex Ayaa Si Mug iyo Miisaanle Loogu Taageeray Aqoonyahan Egneer. C/laahi Cali Xuseen

Dhamaan Waxgaradkii Ka Hadlay Xaflada ayaa ka Markhaati kacay Aqoonta.Waaya Aragnimada Iyo Daacadnimada Eg: C/laahi Cali Xuseen

Musharaxa Ayaa Aqoontiisu Tahay Egneer-nimo iyo Waliba sidoo kale Maamulka iyo Maaraynta Wuxuuna ka soo Shaqeeyey Hawlo Badan oo Dhamaantood Laga Mahadsheegtay Wuxuu inta Badan Ku Caan ahaa Ka Shaqaynta Arimaha Bulshada Ee Magaalada Hargaysa iyo Guud ahaa Dalka jsl

Dadkii Goobta ka Hadlay Oo ahaa Dad Aqoon fiican uleh Musharaxa ay ku sifeeyeen Shaqsi ay Bulshada Gobolka Maroodijeex u Baahantahay Kuna soo Kordhinkara Guud ahaan Baahiyaha Waawayn Ee Bulshada Caasimadu Tabayso.

Musharaxa U Tartamaaya Golaha Deegaanka Caasimada C/laahi Cali Xuseen Oo soo Afmeeray Xaflada ayaa U Mahad Celiyey Cidkasta oo Kasoo Qayb Gashay Madasha Lagu Shaacinaayey Musharaxnimadiisa Iyo Waliba Cidkasta oo Isaga Taageersan oo Aan Fursad u Helin inay ka soo Qab Gasho

C/laahi Cali Xuseen ayaa Balan Qaaday Hadii ilaahay Ku Guuleeyo Xilka uu U Tartamaayo Uu Guud ahaan Bulshada Gobolka Maroodi jeex ugu Shaqayn Doono Cilimiga uu Soo Bartay

Wuxuu sidoo kale Bulshada ugu Bushaareeyey Inuu Cadaalad ugu Shaqayn doono Dadka Somaliland

Egn C/laahi Cali Xuseen Wuxuu Bulshada Hargaysa ku Dardaaray inay Qaataan kaadhka Cod bixinta isaga oo sheegay Sida kaliya Ee ay ugu Hiilinkaraana ay Tahay Kaadhka oo ay Dhamaantood Qaataan

Si kasta-ba Ha Ahaatee Caasimada Hargaysa ayaa Baahi-wayn U Qabta Cid Aqoon Egneernimo leh oo Wax ka Qabata Wadooyinka Iyo Baahiyaha AasAasiga ah Ee Wakhtigan ay Bulshadu sida wayn u Tabayso