Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Muuse Biixi oo Shaaciyey inaanu mar dambe isu soo taagi doonin xilka Guddoomiyenimada Kulmiye

 

Hargeysa (SalaanMedia)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ka jeediyey shirweynaha 4aad ee Kulmiye, ayaa ergada uga mahad-celiyey kalsoonida ay u muujiyeen inuu shanta sanno ee soo socota sii hayo xilka guddoomiyaha Xisbiga oo markii labaad loo doortay, waxaanu halkaas ka shaaciyey inaanu mar kale isu soo sharrixi doonin guddoomiyenimada xisbiga marka ay dhammaato shanta sanno ee maanta loo cumaamaday.