Qisada Sirdoonkii ugu Cajiibsanaa Qarnigii 20aad oo la soo bandhigay iyo Xogta la xidhiidha

Halkan waxaanu ku eegi doonaa Warbixin laga qoray qisada basaas u dhashay dalka Masar oo sirta dalkiisa u gudbin jiray Yuhuudda xilligaas uu socday dagaalkaasi. Ninkani waxa uu ka hawl-geli jiray madaxtooyada dalka Masar, isagoo la soo shaqeeyey labada madaxweyne oo dalkaas soo maray xilliyadii u dhaxaysay 1960-kii ilaa 1975-kii.

Qoraa u dhashay dalka Israel oo lagu magacaabo Bar-Joseph oo daraasado ka sameeyey heerarka kala duwan ee hawl-gallo sirdoon oo Carabta iyo Israaiil isu-adeegsadeen,  ayaa toosh cusub ku ifiyay mid ka mid ah kiisaska ugu xiisaha badan ee basaasnimo ee soo mara taariikhda dagaalkii dhexmaray dalalka Carabta iyo Israel.

Warbixinta laga qoray qisadan oo Qorayaasha Somalilandpost.net Soo tarjumayeen, waxa uu Bar-Joseph ka sheekaynayaa mid ka mid ah basaasiintii reer Masar ee ugu waaweynaa uguna waxtarka badneyd intii lagu jiray xilligii Dagaalkii Yom Kippur, basaaskaas oo fursadda uu u helay inuu ka ag-dhawaado madaxtooyada Masar iyo Goobaha go’aamada adag lagu gaadho, dagaalka ka hor iyo ka dibba, ay isaga ka dhigtay Basaas noociisa oo kale mar la-arag yahay kaas oo Israa’iil aanay fursaddiisa ah inay hesho aanay lumin karin.