Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo geeriyooday iyo Masuuliyiin ka tacsiyadeesay

Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo geeriyooday iyo Masuuliyiin ka tacsiyadeesay

Allaha u naxariistee waxaa magaalada Jigjiga ee caasimada dowlada deegaanka Soomaalida ku geeriyooday Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galeyr oo sidoo kale xilal kala duwan kasoo qabtay dalka.

Sida aan wararka ku helnay Cali Khaliif Galeyr ayaa labadii maalin ee lasoo dhaafay ku xanuunsanaa isbitaal kuyaala magaalada Jigjiga halkaas oo maanta la sheegay in uu ku geeriyooday.

Cali Khaliif Galeyr oo Ra’isul Wasaare kasoo noqday dowladii Carte uu hogaaminayay Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa mudooyinkii dambe kunoolaa Somaliland.