Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Taariikhdi Faneed ee Saynab Xaaji Cali Sigaale- Baxsan

Taariikhdi Faneed ee Saynab Xaaji Cali Sigaale- Baxsan

Waxaynu halkan kaga hadlaynaa intaynu ka gaadhno Taarikhdii faneedkii Alle ha u naxariiste fananadii weynayd ee Soomaaliyeed Saynab xaaji Cali Sigaale ( Baxsan) 19/10/2020 ku geeriyootay magaalada Muqdisho laguna Aasay oo kal-tirsiga Miladigu yahay 20-10-2020 iyadoo ay jiraan dad iga aqoon badan sidaa dadkii aay soo wada shaqeeyeen ama qoyskeeduba surta galna ay tahay inaan wax qaldi karo haddana waxaan isku dayi doona intii aan ka garto ama ka xasuuto inan idiinla wadago.

waxay ku dhalatay deeganka somalida ee Ethopia hiladihii 1938-ki ama 40 kii mid ahaan , waxayna ahayd gabadhi u horeeysay ee Somaliyeed ee ka hawl gasha idaacada addis ababa ee dalka Ethopia eek a soo jeeda deeganak somalida ee Ethopia

Saynab waxay isku barteen ethopia fanaanadii weynayd ee Shamis Abokor ( Guududo Carwo ) oo loo afduubay badhtamihii oo halkas lagu xidhay dhamadkii kontomadki dalka Ethopia halkas oo aay isku barteen iyadna ku dhirigalisay fanka sidadsay kaga mid noqotay idacadii Addis ababa,

baxsan alle ha u naxariste waxay ka hor timi nidamkii halkas ka jiray kana soo baxsatay halkan iyo Hargaysa sanadkii 1961-ki iyada iyo nin la odhan jiray Khalif Muuse oo musician ahaa waxana soo dhaweysay guduudo waxaanay ka hawlagshay radio hargaysa oo fankuuna noola maadama oo ethiopia oo aanu fan heesana aanu ka jirin magaca Baxsan waxaa dad xogagali I sheegen inaay Gududo u bixisay.

Sanadka 1964kii waxay matashay ruwayad u sameeyay Xuseen aw Faarax oo la odhan jiray Ma Ruunba ma Riya heesaha ku jiray waxa ka mid ahaa Rooboow ma Runba ma riya Ruwayad wadani ah ayaay ahayd.

1963kii Ruwayada aanan magaceeda heelin oo u lahaa Cismaan Askari oo ay wada mataleen Gujis waxaany qaday hees la yidha “Hooheey Haweenow”

1963 kii Ruwayad aay wada sameeyan Axmed Saleeeban Bide iyo Huryo oo la oodhan jiray Dani Culus cawana nagii oo heesiha ku jiray ay ka mid ahayeen “Guulahayoow I gargar”

1964-kii waxay matashay ruwayadii weynayd ee “Alla-Aamiiin ma isho” oo ay wada mataleen fanankii weyna ee Maxamed Yuusuf heesaha ku jiray waxa ka mid ahaa Aalaa Amiin kuma ishee ifkee, iyo Geeri doonte maanta aan go iyo heeso badan oo kale .

1964ki waxa dhacay dagalkii soomaliya xiligaas waxa u dhiibay heestii nolosha iyo fankeedaba wax ka bedeshay Sayanab iyo Cismaan oo ahayd heestii “Geeshkayagoow guulaysta” heestaas oo bilad ay ku qaadatay saynab, Cismaana ciidamada lagu qoray darajana lagu siiyay arintaas oo keentay in Genaral Dauud ka codsado Cismaan inu koox ka dhex sameeyo ciIdamada si ay uga qayb qataan guubabada dagalkii xiligaas socday sii cidamada loo dhiri galiyo sidasaanay kooxdaasi ku samaysantay saynab iyo dumar kale ay uga mid noqdeen kooxdii ciidanka xooga.

1964-kii waxa ay matashay ruwayadii ugu horeysay ee kooxda ciidanki xooga dalku soo sareen oo guubabo ahayd waxana la odhan jiray “Maanta iyo fadhi aa” oo u cismaan lahaa, heesihii ku jiray waxa ka mid ahaa “Shicibyohow wanaagsani”.

1965-kii waxay matashay ruwaydii “Naga guur” oo u Sangub ma lasiibay koodi ma saray keeni habeenkii lixdanki ma la siraday. Inaanyahay aan jeclady adan may jeceshay.

1967-kii waxay matashay ruwayadii lagu mood see noqoan weyday oo sanguub laha heesaha ku jiray wax aka mid ahaa Sabalo iyo aniga huba inaad I hagar baxyside igada hantaqada.

1967 waxay matashay ruwaydii Daruur ban filayay ee car yaan daku ku qaadiin oo Cismaan askari sameeyay.
1968-kii waxay matashay ruwayadii “Diibitatii” ee u sameeyay Cismaan Askari heesha ku jiray wax aka mid ahaa Inamada la doortow.

1970-kii waxay matashay ruwayadii Jacaylka ahayd ee canka noqotay ee dadka aad u wada gadhay lana jeclaystay ee Waad iyo Wacad ee Cismaan askari laha oo aay wada mataleen Rooraye heeshedi waaxa ka mid ahaa waa “sawir ban arka miyaa”.

1973-Kii waxay matashay ruwayadii “Gar Cadaawe iyo Caashaq” oo Yuusuf Aadan lahaa waxaana ay wada mataleen Xasan Aadan heesaheedi waxa ka mid aha “Wuu duula kalgacaylku iyo hooy hooy”.

1977-kii waxay matashay ruwayadii “Jihaad iyo jacayl” oo u sameeyay Cabdi Aadan Xaad heesaha aay wad qadeen waxaka mid ahaa Geesigii dagalkow waxa wada qada Cigaal , rooraye , khadra, baxsaan.

1980-Kii waxay matashay ruwayadii “Dhado roob noqon weeyday ” ee u sameya Sooran Waxay wad heesayan Cigaal, Salax, Doorto miyaad ilawday.

1986kii waxay matashay ruwayadii filimka laga dhigay eee Cilmi iyo Cado .

Heesahii ay qaday waxay ka mid ahayeen heeso wadani ah oo aad u tiro badan iyo heeso jacayl ah, inagoo aan wada dhamayn karayn hadana waxaynu ka soo qadanayna kuwii wadaniga ahaa ee ugu caansana oo uguna badnaa.

• Heesti “Galad” oo Cismaan Askari laha
• Heesti “Dhalin yahay dhamanten dhulka ma u shaqayna” oo uu laha Cabdi Muxumed Amiin
• Heesti “Ha Ogado Gumaysigu” oo u Cali gab laha
• Heesti “Ayaan badana Afrika oo oo Midawday” oo u laha Aallaale
• Heesti “Caqli nimu ku weeynyahay cilmi uga siyadyoow” oo u laha Kaariye
• Heesti “Ebow mahada” oo uu laha Cismaan askari

Alle ha u naxariiste fanaanadu waxay ahayd qof aad u wanaagsan cibado badan, naxariis badan, dadniimo fiican, dad koorisa dadka aad u xidhiidhisa dhawr jeer ayay Hargaysa timi oo ay u timi Guduudo Carwo intii ay xanuusanaysay iyo mar ay u timi Geeridii ilma Cismaan askari hooyadood , Madaama oo Noolashdeda ay samayn badan ku lahayeen Cismaan iyo Shamisba.

waxay ahayd Qof shaqadeeda ku fiican kaalin kastana ku wanagsan waxay kow ka ahayd xagga Xafidaada, Matalaada iyo Muujinta dareen kasta oo ay ka hadlayso markaas amaba ay jilayso in badana aan dawaday anigoo Aqoon u laha shaqsi ah laygana sii aqoon badana waxan huba inay ahayd qof aad u wanagsaan.

Waxaaan aad uga xumahay in xurmaddii maydkeedu lahaa aanay helin oo ehelkeedi ay dhib ku muteen askeeda maadama oo ay ku sheegeen in dariqyadii laga xidhay arintasina waxay ka mid tahay un dhibatooyinka la soo darsay buruburki kadib fananiinta somaliyeed oo dhibatooyin noolooleed oo kala duwan la kulmay mudadaas .

Illahay waxaan uga baryaya in u janooyinkisa ku macsuumo qabrigana u nuuro, su’aashana u dhib yareeyo , Allana kitabkeeda midigta ka siyo Qoyskii qarabadi iyo ehelkii samir iyo iimaan saadiqa ka siyo.

Aamiin Aamiin.

Qalinkii Ibraahim Cali Axmed