“Wasiir Waad Asiibtay Magaacibista Agaasime Maxamed Saleeban Cumar”

Wasiirka Horumarinta Waxbarashada iyo Sayniska  jsl Ayaa Xilalkii u Kala badalay Qaarna ka Qaaday 15 waxood oo Ka Mida Waaxaha Wasaaradaasi

Magaacibista ay Shaqaale-Waynaha Wasaarada Horumarinta  Waxbarashadu ay Sida Diiran u soo Dhaweeyeen Waxaa ka Mid ahaa Kuna Bogaadiyeen Wasiirka Xilka uu u Magaacabay Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta

Aqoonyahan Maxamed Saleebaan Oo Xilal kala Duwan ka Soo Qabtay Wasaaradda ayaa Loo Magaacabay Xilkaasi kaasi oo ku sifoobay Hawlkarnimo iyo Waji Furnaan

Shaqaalaha Iyo Madaxada Wasaarada ayaa ku sifeeyey Nin Hawl kar ah oo ka soo Bixi kara Xilka Culus Ee Loo Igmaday

Intii uu Hayey Xilka Xog isgaadhsiinta Ayaa Lagu Amaanay Shaqadii Adkayd Ee Wasaarada u soo Qabtay Wuxuu Madax ka ahaa Xafiiskii Hir-galiyey Xiligii Lagu Jiray La Tacaalida Xanuunka Covid 19 in Dhamaan Ardayda Dalku Helaan Wax Barasho Kuwaasi oo Casharada ka Bartaan Habka Online ka Gobol kastaana uu Leeyahay Code santer u gaar ah

Mashruucaasi oo ay Diyaariyeen Kana Qayb Qaateen  in ka Badan 1000 Macalin jsl ahi  Waxaanu ahaa Shaqsigii Ugu Shaqada Badnaa Ee Wasaarada Wax ka Badalay mudadaasi isaga oo Sameeyey Code Santer ay ku Wada Xidhiidhaan Wasaarada Waxbarashada iyo Xarumaha Wasaarada Ee Gobolada Dalku

Maxamed Saleebaan ayaa Waxaa Hortaala Shaqo Adag Oo Mudo Dheer Aan u shaqayn Sidii Loo Baahnaa inay u shaqayso Balse Waayo Aragnimo Fiican oo uu Shaqada u Leeyahay Ayaa La Filayaa inuu ku Maareeyo

Wasiirka oo ku Qancsan Kartida Waayo Aragnimada iyo Xilkasnimada Maxamed Saleebaan ayaa U igmaday inuu Xilkaasi Qabto.

 

Qalinka: Yuusuf Doolar