Degdeg:Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo ku geeriyooday Hargeysa+Tacsi M/weyne+Gudoomiye Cirro

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Carte Qaalib ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa, halkaasi oo uu muddo ku xanuunsanaa.

Marxuum Cumar Carte Qaalib ayaa goor dhowayd ku geeriyooday cisbitaal gaar ah, sida uu VOA u xaqiijiyey duqa magaalada Hargaysa Cabdiraxmaan Maxamuud Soltelco.

Cumar Carte Qaalib ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay xukuumaddii hore ee Soomaaliya, isagoo soo ahaa Wasiirka Arrimaha Dbedda horraantii toddobaatameeyada oo ay Soomaaliya ku biirtay ururkii Jaamacadda Carabta.

Cumar Carte waxaa loo magacaabay xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya maalmihii ugu dambeeyey ee xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre.

Markaasi ka horna waxa uu ka mid ahaa siyaasiyiin caan ka ah Soomaaliya oo xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre ay ku xukuntay dil, inkastoo markii dambe xabsi loogu beddelay kadib markii cadaadis caalami ah uu soo foodsaaray dawladdii milatariga ahayd.

Kadib markii ay dhacday dawladii Maxamed Siyaad Barre ayaa mar kale Madaxweynihii la magacaabay ee Cali Mahdi Maxamed uu isla Cumar Carte mar kale u magacaabay Ra’iisul Wasaare inuu noqdo.

Cumar Carte Qaalib intaas wixii ka dambeeyey waxa uu ka fariistay siyaasadda isagoo inta badan ku sugnaa Somaliland.

Tacsiyaha loo diray:-

TACSI MADAXWEYNE: 18/11/2020
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Siyaasiyiinta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cumar Carte Qaalib oo ku geeriyooday galabta oo ay taariikhdu tahay 18/11/2020, Caasimada Somaliland ee Hargeysa.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey siyaasi waayo arag ah oo taariikh ku leh bulshada afka Soomaaliga ku hadasha gaar ahaan Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo guud ahaan mandaqada geeska Afrika, xilal kala duwana oo uu ugu sareeyey ra’iisal wasaare ka soo qabtay dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya. Isagoo ka mid ahaa aqoonyahanadii 1950 meeyadii dalka dibediisa wax ku soo bartay, isagoo ka mid ahaa siyaasiyiintii ka qayb-qaatay shirkii beelaha Somaliland isugu yimaadeen magaalada Boorama ee dhidibada loogu taagay Jamhuuriyadda Somaliland, markii danbena waxa uu ka mid noqday siyaasiyiintii hirgeliyey hannaanka dimu-quraadiyada Xisbiyada badan ee Somaliland ka jira, ilaa maantana waxa uu ku sugnaa dalkiisa hooyo.
Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.