Dowladda Soomaaliya oo Midowga Yurub ka dalbatay dardar-gelinta Mashruuc Liddi ku ah Madax-bannaanida dhuleed ee Somaliland

Muqdisho (SalaanMedia)- Hawl-galka Midowga Yurub ee Soomaaliya (European Mission Somalia), ayaa dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabdilaahi Farmaajo kala shiray dar-dar gelinta barnaamij lagu tayaynayo Ciidamada badda ee dalkaas, kaas oo qayb ka ah qorshe ciidamo isku-dhaf ah oo ammaanka qaabilsan loogu samaynayo dalalka Geeska Afrika ee teedsan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Toddobaadkan waxa magaalada Muqdisho ee dalkaasi Soomaaliya waxa kulan ku yeeshay Taliyaha Hawl-galka Ciidamada Badda ee Midowga Yurub ee Geeska Afrika, Jeneraal  Antonio Planells Palau, ku-xigeenka Madaxa Xafiiska EUCAP Somalia, Fabian Loewenberg oo ay weheliyaan saraakiil saresare, ayaa shir gaar ah la qaatay Agaasimaha Xafiiska Ergayga gaarka ah ee Madaxtooyada Soomaaliya u qaabilsan Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed oo ah haweenay lagu magacaabo Muntaziyah M Jimcaale.

 

GUJI HALKAN SI AAD U AKHRISO WARKAN OO DHAMMAYSTIRAN