Wasiirka Qorshaynta Somaliland Xasan Gaafaadhi Oo Heshiis Qarsoodi Ah La Galay Mid Ka Mid Ah Hay’addihii Qaramada Midoobay Ee Uu Madaxweynaha Biixi Wada-Shaqaytooda Hakadka Galiyay.

“Waxa Uu La Saxeexday Hay’adda UNFPA Mashruuc Laga Fulinayo Lixda Gobol Ee Waa Weyn Ee Somaliland, Iyadoo Dhinaca Kalena Isku Mar Ay Hay’addani Ka  Fulinayso Dhamaan Goboladda Dalka Aynu Jaarka Nahay Ee Soomaaliya.

Hargeysa(SM) – Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland Xasan Maxamed Gaafaadhi ayaa heshiis qarsoodi ah la saxeexday Mid ka mid ah Hay’addaha ugu miisaanka culus ee Qaramadda Midoobay, wakhti uu Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi uu shaaciyay inuu hakadgaliyay dhamaanba Wadashaqayntii ay Somaliland la lahayd Hay’addaha Qaramada Midoobay.

Wasiir Xasan Gaafaadhi ayaa la saxeexday Hay’adda lagu magacaabo UNFPA oo ka mid ah Hay’addaha Qaramadda midoobay Heshiis Xog ururineed taasi oo ay Hay’addu doonayso inay ku ogaato saamaynta uu Cudurka Covid19 ku yeeshay guud ahaan Shacabka Somaliland, taasi oo diiradda lagu saarayo Xogtani saamaynta uu Cudurkani gaar ahaan ugu yeeshay Arimaha ay ka mid ka yihiin Dhaqaalaha, Waxbarashada iyo Isku socodka ama isku gudubka dadka shacabka ah, intuu Cudurkani ka dilaacay Somaliland ama  laga ogaaday, waxaana uu wasiirku mashruucan si qarsoodi ah kula saxeexday Xafiiskiisa, iyadoo yaab iyo fajiciso ku ah dhawaaqi todobaadkii horena uu kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland ee Madaxweynuhu ku sheegay inuu hakad galiyay wadashaqayntii ay Somaliland lahayd Hay’addaha Qaramada Midoobay.

Wasiirka ayaa si aanay Bulshadu u ogaanin inay Hay’ad ka tirsan Qaramada Midoobay  wado mashruucan, ayaa waxa lacagtii mashruucani ama xog ururintani ku baxaysay loogu wareejiyay oo wada hawsheeda Xafiiska Xog ururinta “Statics Department” ee wasaaradda qorshaynta taasi oo Shaqaale badan hawlgalisay islamarkaana maanta galinka horeba u kala diraysa Degmooyinka Magaaladda HARGEYSA si ay xog ururintii ugu horaysay uga soo sameeyaan degmooyinka HARGEYSI ka kooban tahay, taasi oo ku saabsan saamaynta uu Covid19 ku yeeshay Shacabka Somaliland, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, Waxbarashada iyo isku socodka, waxa ay shaqaalahaasi guri guri u garaacayaan Xaafadaha Degmooyinka Hargeysa iyagoo ka buuxinaya foom Casri ah oo Mobile ku kaydsan oo ay su’aalo ku qoran yihiin “questionnaires” oo ay soo diyaarisay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Xog ururinta ee UNFPA oo mashruucan wada.

Lacagtii Mashruucan ku baxaysay ayaa sida Wargeyska Foore xogta ku helay,waxa si toos ah loogu shubay Wasaaradda Horumarinta Qorshaynta Qaranka Somaliland, waxa sidoo kale isla Shalay tababarkii loo soo xidhay shaqaalihii Mashuuracan ama xog ururintan fulinayay oo ay hawlgalisay Wasaaradda Qorshayntu kuwaasi oo ka  shaqayn doona guud ahaan Gobolada Dalka Somaliland gaar ahaan Gobolada Waa weyn ee Maroodi Jeex, Awdal, Saaxil, Togdheer, Sool iyo Gobolka Sanaag, waxaana xog ururintu ay ku koobnaan doontaa gudaha Caasimadaha Goboladaasi sida Hargeysa, Boorama, Burco,Berbera, Ceerigaabo iyo Laascaanood.

Mashruucan ayaa sidoo kale waxa si rasmi ah looga daahfuray dhamaan Gobolada Dalka Soomaaliya ee aynu jaarka nahay waxaana fulinaysa isla Hay’addani  UNFPA ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Xog ururinta.

Majiro wax war ah oo rasmi ah oo kasoo baxay dhinaca Xafiiska Wasiirka Qorshaynta Somaliland Xasan Gaafaadhi oo ku saabsan mashruucan, iskuday badan oo aanu samaynay Xalay si aanu wax uga waydiino, Nooma suurtgalin Kadib markii uu naga qaban waayay Telefankiisa Gacanta.

 Dhinaca kale, lama oga inuu Madaxweyne Biixi ka warhayo arintani iyo in kale.  Madaxweyne Biixi ayaa dhawaan bulshada la wadaagay inuu hakad galiyay Wadashayntii ay Somaliland lalahayd Hay’addaha Qaramada midoobay kadib markii ay heshiis gaar ah la saxeexatay qorshaha wax qabadkooda shanta sanno ee socda, oo ay Somaliland ku jirto, Dawladda itaalka daran ee Soomaaliya taasi oo hagar daamo iyo dhaawac ku ah Qaranimada iyo Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland.

Source Foore