BAASHE CAWIL ” MORGAN” OO GABADH DA’YAR KU AROOSAAYA DALKA IMAARAADKA CARABTA DUBAI KUNA KHARASH GAREEYAY $ 70,000

| January 10, 2017
Salaasa.10.01.17Hargeysa, (SM)-Wiilka Madaxweyne Axmed Siilaanyo sodoga u yahay ee innantiisa qaba Baashe Cawil (Baashe Morgan), ayaa la sheegay innuu Arooskii ugu Qaalisanaa Magaalada Dubai ku Qabsanaya Todobaadkan Iyo 70 kun Dolar Oo uu Ka Dilaalay Saldhiga MAsar ee Uu Berbera Ka Dhisanayo, isla markaana xilli shacabka reer Somaliland ee Gobolada bariga ay ku sugan yahay xaalad adag oo gaajo iyo macaluul ugu dhinteen.
Maalmahanba Baashe Cawil Morgan Oo ka MAqnaa Warbaahinta ayaa Bartiisa facebook waxaa uusoo Dhigay Hanbalyo uu shacabka ka codsanayo inay Ugu Duceeyaan Xaaskiisa Cusub oo Arooskoodu Ka Dhici Doono Magaalada Dubai gaar ahaana Hotelka Five Star
Baashe Cawil Ayaa Tumasho iyo raaxo ka Bilaabay Imaaraadka Isagoo Sida Maryaha u Kala Bedelanaya Dumarka ka dib markii uu Guulo Hor leh kasoo Hooyay Wareejinta Dekeda Berbera oo uu u gacan Geliyay Imaaraadka iyo Dawlada Itoobiya Kaasi oo Baarlamaanka Somaliland si duuduub ah ku Ansixiyeen
Sidoo kale Waxaa uu Baashe Morgan Wadaa olole Dalka MAsar lagu siinayo Saldhig Milatari oo Laga Weeraro Dalka aynu Jaarka Nahay ee Itoobiya Kuwaasi oo doonaya inay kala Kiciyaan Biyo Xidheenka Abbay ee Webiga Niil
Xaaskiisii Hore oo Shirkada DP World Ka Qadatay Lacagtii Xaqulqalinka ayaa Iyaduna Soo Dhoweysay Arooska Ninkeeda Waxaana ay ugu Hanbalyay inuu Hawshiisa Wato.
Hase yeeshee lacagtan arooska ayaa waxa ka qayb ah xaqul qalinkii DP World ee laga qaatay dekeda Berbera, balse wiilka Madaxweyne Axmed Siilaanyo sodoga u yahay ayaa boqolaal milyan oo doolar oo uu ka dhacay dalka ku shubtay akoono dibadda ah.
Salaanmedia/London
Source Baraarugnews1

Category: Articles

Comments are closed.

banner ad
Friend: tai game java - Game Mobile - game mobile online