Deg Deg ]:- Xukuumada Somaliland Oo Ka Hadashey Walaaca Dawlada Itoobiya Ka Qabto Saldhiga Military Ee Imaaradku Ka Dhisanaayo Berbera + [Muuqaal]

| January 11, 2017

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Wasiirka wasaarada arimaha dibada Somaliland Sacad Cali
Shire ayaa waxaa uu ka hadley saldhiga military ee dawlada imaaradku rabto in ay ka dhisato magaalo xeebeeda Berbera .

Wasiirku waxaa uu sheegay in uu saldhigaasi jiro balse ka ogalaashanheeda ay leeyihiin madaxweyne Siilanyo iyo labada gole baarlamaan .

“Waa run wey jirtaa in dawlada Imaaradku ina weydiisatey saldhig Military warkaasina waa war caam ah ,wadanka imaaradku waa wadan aynu saxiib nahay , saxiibaduna wey isweydiistaan saldhigyo go,aanka saldhiga na waxaa iska leh madaxweynaha iyo labada gole baarlamaan ” ayuu yidhi wasiirku

Sidoo kale wasiir Sacad Cali Shire waxaa uu ka hadley nooca uu yahay walaaca ay dawlada Itoobiya ka qabto saldhigaas

” Kolay labada waddan ee Itoobiya iyo Imaaradku waa laba wadan oo aanu saxiib nahay , Saldhigyo military na sidooda warwarkoodana wey leeyihiin manfacoodna wey leeyihiin , Somaliland ahaan waxaa inoo yaala waxaa weeye sida aynu labadeena saxiiba u ilaashan laheyn , dawlada Itoobiya na waa dal badda ka xidhan waxaana ay isticmalaan dekada Jabuuti oo kaliya iminka qorshuhu waa in ay isticmalaan dekada Berbera markaas wax kasta oo sameyn ku yeelan kara marinada ay la leeyihiin badaha kolay warwarkeeda ayey leedahay ” ayuu yidhi wasiir Sacad Cali Shire

Category: Warka

Comments are closed.

banner ad
Friend: tai game java - Game Mobile - game mobile online