Waddani Oo Aamanay Waxqabad Uu Sameeyey Mid Ka Mid Ah Golaha Wasiirada Somaliland Iyo Wasiirka Uu Yahay + [Muuqaal]

| January 11, 2017

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa waxaa uu
aamanay waxqabad ay sheegen in ay ku talaabsatey wasiirka wasaarada maaliyada Somaliland Samsam Cabdi Aadan .

Xoghayaha cadaalada ee xisbigaasi Haldoor Barkhad Jamaac Xirsi ayaa waxaa uu sheegay hadii ay wasiir Samsam kala xisbi yahiin in ay hadana wajiib ku tahay in ay uga mahad naqanaa wanaaga ay sameysay isla markaana waxaa uu ku amaanay waxqabad uu sheegay in ay ka geesatey taakuleynta dadka ay abaaruhu sameeyeen .

Sidoo kale waxaa uu haldoor Barkhad u soo jeediyey wasiirka wasaarada Warfaafinta Mr Cadaani in aanu cisi ku heleen ceyda Musharax Ciro balse inta uu waxaas iska dhaafo in uu ku deydo waxqabadka wasiir Samsam

Category: Warka

Comments are closed.

banner ad
Friend: tai game java - Game Mobile - game mobile online