Deg Deg ]:- Dooni Ka Shirqaatey Dekada Berbera Oo Degtay , Halka Ay Ku Sii Jeeday Iyo Gabi Ahaanba Waxii Saarnaa Oo Ay Baddu Liqdey

| January 11, 2017

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Doonni lagu magcaabi jirey Al-Axmediya oo saddex habeen ka hor laga
shirqaatey dekedda Magaalada Berbera iyadoo siddey 593 Dibi oo ay leeyihiin ganacsato Reer Somaliland ahi una sii jeeddey dhinaca dekedda Salaala ee Waddanka Cummaan ayaa gelinkii danbe ee xalayto ku degtey meel u dhow Dekedda Salaala ee ay kusii jeeddey.

Doonnidan iyo xoolihii saarnaa ayaa gebi ahaantood baddu liqday sida uu Idaacadda BBC u sheegay Wakiilka Doontaas degtey C/raxmaan Cali Warsame halka shaqaalihii saarnaa laga badbaadiyey

tmp_18512-img_f4aabe-ccf1d2-2ae8e8-c2f6a5-8ee21c-1df1481288541259
Wararka dheeraadka ah ee kusaabsan doonnidan degtey qaarkood ayaa sheegaya in dabaylo badda ka dhacayey sababeen in doonnidaasi degto halka wararka qaarkoodna sheegayaan in dab qabsaday awgeed ay doonnidaasi u degtey.

Category: Warka

Comments are closed.

banner ad
Friend: tai game java - Game Mobile - game mobile online