Madaxweynaha Somaliya Oo Caawa Hanbalyo Diray Iyo Cida Uu U Diray + [Muuqaal ]

| January 11, 2017

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey shacabka
Soomaaliyeed gaar ahaan Xildhibaanadda Baarlmaanka Golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya sida hufnaanta leh ee ay u dhacday doorashadii Guddoomiyaha Baarlmaanka ee Soomaaliya ee uu ku guuleeystay Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari.

Waxaan hambalyo lee yahay Xildhibaanada Golaha Shacabka Sooomaaliya oo maanta si dimuqraadiyadda leh u doortay guddoomiye, waxaa muujiyeen sida Baarlamaanka uga go’an tahay in dalkaan horusocokiisa la sii joogteeyo iyo sida xilkasnimada ku dheehan tahay ee ay ugu gudanayaan waajibaadka ka saran u adeegida shacabka ay wakiilka ka yihiin ee soo doortay” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa ku ammaanay musharaxiintii kale ee tartaranka ka qeyb gashay sida kartida dheeraadka ah ee ay u aqbaleen natiijada doorashadii guddoomiyaha Baarlmaanka ee maanta dhacday.

Category: Warka

Comments are closed.

banner ad
Friend: tai game java - Game Mobile - game mobile online