Suldaan Habaar oo joog iyo jiifba diiday kuna hinaasay suldaanka cusub uguna hanjabay in uu xidhi doono

| January 12, 2017

Suldaan Habaar ayaa dhowrkii maal mood ee u danbeeyayba la baaxaa degaayay jiha wareer iyo hinaase uu ka qaaday suldaan Cabdalle Cabdiraxmaan (Guun) oo todobaadkani ay beesha ay ka soo wada jeedaan suldaan Habaar ee Maxamed Axmed (Cabdalle Isaxaaq)- ay ku caleema saarayso suldaan Cabdalle , tan iyo intii ay dibada u soo baxday saldana Mr Guun ayaa waxa joog iyo jiifba diiday Suldaan Habaar oo hore u waayay kalsoonida beesha uu ka soo jeedo.

Hadaba warar ku dhow dhow suldaanka cusub ee ka mid noqday salaadiinta Habaryoonis, ayaa shalay waxa soo garaacay ama la soo hadlay suldaan Habaar oo qaylinaaya isla markaasina cay tamaaya oo hanjabaaya, isga oo suldaan Habaar ku hanjabaayay in uu xidhi doono suldaanka cusub oo uu adeegsan doono awooda ciidmada booliska iyo magaca xukumadda waa sida uu suldaan Habaar ku hanjabaayay.

Wararka ay sheegayaan dad ka ag dhowaa xiligaasi suldaanka cusub ayaa sheegay in aanu suldaanka cusubi ka xanaaqin hadalada ka soo burqanaayay suldaan Habaar, waxna uu ula hadlay si degan isga oo sheegay in aan saldandiisu ahayn mid colaadeed ee ay tahay mid umadda isu soo dhawanysa dadka iyo dalkana dhex u ah oo aan cid gaar ah iyo xisbi gaar ah midna aan eryanaynin, waxna uu u sheegay in xadhiga uu ku hanjabaayo aanu waxba ku qaadi karin.

Suldaan Habaar ayaa 8 sanadood suldaan jujuub ah sheeganaayay iyada oo aan cidna caleema saarin waxana uu is caleema saaray markii xisbiga Kulmiye talada dalka gacanta ku dhigay.

Waxna hubaal ah hadii uu suldaan Habaar si qaldan u adeegsado ciidmada booliks aiyo awooda xukumadda in ay ka qaadi doonaan magac xumo.

Category: Articles

Comments are closed.

banner ad
Friend: tai game java - Game Mobile - game mobile online